Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan: Ahmiyada Ururinta Iyo Lafa-gurka Xogta Ee Hay’adaha Sirdoonka Q.5aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Halkan waxa innooga bilaabmay hayaan aan ku soo bandhigi doono shaqooyin shan iyo toban ah oo hay’adaha Sirdoonku qabtaan. Ka hor inta aanan bilaabin shaqada ugu horreysa aan baranno bahweynta Sirdoonnada in la isku yidhaa INTELLEGENCY COMMUNITY.(IC).

Hadda ba iskaashiga laba awooddood ayaa macne weyn u yeelay shaqada bahweynta sirdoonka kuwaas oo kala ah;

A. HUMAN INTELLEGENCY;

B. ELECTROBIC INTELLEGENCY;

 

1. DATA COLLECTION AND ANALYSIS

Xog ururinta iyo lafo-gurku waa shaqada ugu mugga iyo miisaanka weyn ee hay’adaha Sirdoonku qabtaan.

Xogta ugu badan waxa laga helaa waxa afka sirdoonka lagu yidhaa, Open Source Intellegency: oo ah xogaha aan qarsoonayn sida xogaha bangiyada, shirkadaha, Social media IWL.

2.5 Quintillion bytes oo xog ah ayaa maalin kasta la kaydiyaa. Wax kasta oo agtaada yaallaa shaqadan xog ururinta uu ku jiraa haddii ay tahay,

– Social Media; Baraha bulshada

– Business transactions; Wax kala gadasha ganacsi.

– Digital Photos, videos; Sawirrada iyo muuqaallada casriga ah.

– Mobile phones. Tilifoonnada gacanta.

Haddii aan is-weyndiinno maxaa xog ururinta waxaas oo wakhti iyo adduun ah luugu bixinayaa xogta? jawaabtu waa in casriga cidda ugu xog-ogaalsani tahay cidda maamulka dunida gacanta ku haysa sidaa darteed ayay xogtu ahmiyaddaa u yeelatay.

DATA SCIENCE; Waa hannaanka xogta looga dhigo mid waxtar leh.

Maxaa laga faa’iidayaa in xogta sidan ahmiyad loogu siiyo? Waxa laga dheefayaa ururinta iyo lafo-gurka xogta saddex arrimood.

1. Prediction; in wax laga saadaaliyo

2. Learning; In wax laga barto

3. Prevention; iyo in halis soo socota lagaga hortaggo.

Shirkad kasta oo ganacsi waxa ay rabtaa in ay xog ka hesho heerka uu marayo qanac sanannaata macaamiishu ” Costumer Satisfaction.” Hadda ba halbeegga qanacsannaanta loo cabbiri karo waa in xog laga helaa. Tusaale xagga Internet-ka saddex arrimood baa ugu waaweyna meelaha xogo laga heli karo.

– Foot traffic; dhaqdhaqaaqa qofku sameeyo inta uu internet-ka adeegsanayo iyo meelaha uu hadba bookhanayo.

– Clicks; hadba inta sawir ama walax ee uu gujiyo qofku iyada oo gujin kasta ay macne u samaynayso cid isla markaana ay xisaabsan tahay.

– Conversations; Wadda-hadallada dadka dhex mara oo afka ay doonaan ba ha ahaadaane la turjumo waxa laga ogaan karaa wax badan. Tusaale; 5000 oo qof baa Hargeysa caawa ehelkooda iyo asaxaabta oo dunida ku kala maqan caawa ka wada codsaday Mobile Iphone ah. Wadda-hadalkaa marka la turjumo waxa halkaa ka soo baxaya in Hargeysa dalab badan oo Mobile ka IPhone looga baahan yahay laakiin baadhitaan kale ayay sii samayn doonaan si ay go’aan uga gaadhaan in suuqaa laga faa’iidaysto.

Dhaqdhaqaayada Wardoon guud ahaan waa laba uun;

– Surveillance operation; Wax daba-gal iyo raad-raac xog lagaga helo.

– Research Operation; Iyo wax cilmi-baadhis iyo maskax-tuujin lugu raadiyo.

Tusaale aan filayo in aad wada fahmi kartaan; Is weydii midabka kabaha ee ragga ee guud ahaan deegaannada Soomaalidu qiyaastii 80% waa madow maxaa sababay?

Haddaan rabno in aan ogaanno shaadhka midabkee ayay Wiilasha Bariga Africa ugu jecel yihiin?  Midabka garba saarta hablaha Soomaalidu ugu jecel yihiin waa midkee?

Dhammaan su’aalahan haddaad damacdo in aad jawaab rasmi ah u hesho keliya waxa kaa xigta in aad bartaada Facebook hoos u raacdo sawirrada dadka. Waxa aad ogaanaysaa midabka shaadhka raggu ugu jecel yihiin. Midabka garba sarta haweenku ugu jecel yihiin IWM.

 

La Soco…