Jamhuuriyadda Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus oo lagu qabtay Dagaalkii Tukaraq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay ย dagaalkii ย  lagu soo qaaday deegaanka Tukaraq ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka farmaajo ka danbeeyay.

Tallaabadaas oo muujinaysa in Somaliland mudnaan weyn siisay ย amniga iyo nabadda, xukuumadda Somaliland, waxa ka goโ€™an ahmiyadda weyn ee nabad-gelyadu leedahay, taas oo beesha caalamka iyo mandaqadda geeska Afrika u caddaynaysa sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay xoojinta nabadda.

Haddaba, Somaliland waxa ay u aragtaa shaqaaqooyinka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku waddo ย  dawladda Somaliland in maamulka Farmaajo ย hurinayso.

Waxaynnu ognahay dabka ka holcaya Kismaayo, Gal-mudug, Hir-shabeelle, Puntland iyo Muqdisho uu yahay colaad iyo cadaawad uu dabada ka riixayo maamulka farmaajo, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la leedahay ย Soomaaliya waa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wixii khilaaf ka yimaadda xadka ย Somaliland waxa ay diyaar u tahay in lagu xalliyo nabad iyo is af-garad buuxa, lagana fogaado dhibaatada laga soo maleegayo maamulka farmaajo

Ugu danbayn ย xukuumadda Somaliland iyadoo danaynaysa nabad ku noolaanshaa iyo deris wanaaga waxay ย soo jeedinay in duruufaha ku geedaaman mandaqada geeska Africa ee dhaqaale xumada fakhriga abaaraha iyo hoos u dhaca adeega aasaasiga ah laysu kaashado lagana waantoobo dagaal iyo colaado hor leh.

Liiska saamaxaada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyey Maxaabiista Dagaal ee Maamul Goboleedka Puntland ay kaga qabteen Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo kala ah:

 

1) Cabdi-naasir Cismaan Cali

2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle

3) Maxamed Siciid Yuusuf

4) Cali Faarax Aadan

5) Maxamed Cabdi Caynab

6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane

7) Xuseen Siciid Warsame

8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur

9) Maxamed Abshir Aadan

10) Ibraahin Xasan Salaad

11) Axmed Maxamed Axmed

12) Siciid Ducaale Cali

13) Mahad Nuur Cali

14) Faarax Maxamed Cabdi

 

Wa-bilaahi Tawfiiq