The Shallows: What the Internet Is Doing to Our Brains’ waa buug lafagur iyo baadhis xeeldheer ku samaynaya raadadka uu isticmaaalka intarneetku ku yeeshay hab fikirkeenna iyo sida ay u shaqayso maskaxdeennu. W/Q:(Kamal marjaan)

Waxa uu ku doodayaa in isticmaalka intarneetku uu dhaawac weyn ku keenay awoodihii maskaxeed ee aadamaha. Sababtuna ay tahay maskaxdeenna oo abuur ahaan si fudud ula qabsato, shaqadeeduna ula jaanqaaddo hadba baahiyaheenna iyo waxa aynnu agab iyo kaabayaal haysanno, taasna ay ku salayso hab fikirkeeda iyo shaqadeeda. Tusaale ahaan waqtiyadii qoraalku yaraa waxaa xoogganaa awoodda xafidista iyo xusuusta ee maskaxda aadamaha.

Maanta markii horumarka laga sameeyey dhijitaalka (Digital) iyo internet ka ee ay bateen ilaha xogta iyo tixraacyada sida fudud kombiyuutarka looga heli karo, waxa ay meesha ka saartay awooddii maskaxdeenna, iyo kartidii xusuusta iyo fikirka xeesha dheer.

Nichola Carr, qoraaga buuggu, waxa uu ku doodayaa in internet uu fududeeyey baadhista xogta iyo helisteeda, laakiin ay ceebtu tahay;

1. xogtiisa oo ah mid kor ka xaadis ah oo inta badan dadka baahinayaa ay si kooban u soo ururiyeen, ama xog furfuran oo inta goballo yaryar laga dhigay ay cid waliba inta ay u dan leedahay gaar ugu baahiso internet ka. Waxaana ka dhashay in akhristuhu uu isla wada heli kari waayo xogta oo dhammaystiran.

2. Dhaqsiiyaha iyo fudaydka xogta intarneetka lagu helayaa, waxa ay maskaxda ka dilayaan, sabirkii ay u lahayd in ay si toos ah u baadho aqoonta qoran oo ay waqti fiican geliso fahamkeeda iyo lafagurkeeda, sida buuggaagta.

Arrimahaasi waxa ay daciifiyeen dhugmadii maskaxda, waxa aanay meesha ka saareen fikirkii xeeshadheeraa iyo in maskaxdu isku kallifto xasuusashada culuumta ay baratay ama daalacatay.

Susan Greenfield oo ku xeeldheer cilminafsiga iyo daraasaadka hannaanka shaqo ee maskaxda, ayaa iyaduna sheegtay, isticmaalka badan ee intarneetka iyo xogta sida mawjadaha uga soo butaacaysaa in ay hoos u dhigayso awooddeennii maskaxeed ee ahayd in aynnu su’aalo qotadheer is weydiino, iyo in aynnu hoos ugu dhaadhacno mawduucyada.

Marka la soo ururiyo doodda buuggu waa in interneetku ku aanu maskaxdeenna kordhin sida ay dadka qaar u haystaan, balse uu maskaxdeenna ku sameeyaa dib u qaabayn keenaysa in ay hoos u dhacaan awoodaheeda garasho ee muhiimka ahi.

#Aragtidaada
Adigu ma dareemaysaa in isticmaalka badan ee internet ku uu saamayn ku yeeshay awoodda maskaxdaada ee fikirka iyo xasuusta, iyo weliba awooddaadii wax akhriska qotadadheer?

 

 

xigasho:Kamal marjaan

bandhige@gmail.com