Qalinjabintii u horreysay ee Jaamacadda Cammuud…W/Q(Abdirahman Adan Mohamoud)

Waxa dhinacyada iga taagan labo adeeraday ah, hormuud lagu daydo waligood ba dad badan u ahaa. Farxadda iyo dhoolacaddaynta wajiyadooda ka muuqata waxay markhaati u tahay isbeddel togan oo ay goobjoog u yihiin.

Labadooduba, mar haddii ay hore uga soo qalinjabiyeen Kulliyaddii Tababarka Macallimiinta ee Lafoole, Jaamacaddii Ummaddda Soomaaliyeed, iyaga oo ka kala tirsanaa dufcadihii 1aad iyo 3aad, horraantii 70โ€™ka, si wayn ayay u fahmayeen horukac bulsho oo tallaabadani horseedi karto.

Isku deegaan ayay ku dhasheen oo ku kacaameen, waa is daba socdeen oo labo sanno kaliya ayay kala waynaayeen. Nolol aayo leh ayay soo noolaadeen. Tolnimada ka sokow, laba hooyo oo walaalo ah oo kala wayn ayaa kala dhalay. Sidaas ayay ku idlaysteen nolol isku sidkan min dhalashadoodii ilaa dhimashadoodii.

Shaqadoodii u horreysay, qalinjabin ka dib waxay ahayd macallinnimo. Dugsiyadii sare oo ku kala yaalay magaalooyin badan oo Soomaaliya ah ayay ka dhigi jireen maadooyinka Bayoloji iyo Kimisteri

Baahinta aqoonta iyo aasaaska ururradii bulsho si ay gacan uga gaystaan adeeg bixinta guud, waxay markhaati u tahay sida ay uga goโ€™nayd horumarka bulshadu.

Labadooduba waxay waqti noloshooda ka mid ah ku soo qaateen Gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan Lebanon iyo Saudi Arabia iyoga oo aqoon korodhsi iyo xoogsi u socda.

Waqtiyadii adkaa, labadooduba waxay kaalin laxaad leh kaga jireen dadaaladii dib u dhiska dalka. Waxay ahaayeen aasaasayaashii ururradii bulsho iyo aqoonyahan lafdhabar u ahaa aasaaskii tacliinta sare, gaar ahaan jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa.

Noloshooda oo dhan, ilaa ay dunida ka xijaabanayeen, si togan ayay nolosha kummanaan qof u raadeeyeen. Kaalingalin, waxbarid iyo u abuuritaanka fursado dhaqaale ayay ku kasbadeen raad aan duugoobin.

Midkood mudane Baarlamaan ayuu ahaa, ku foogan xeerar curin iyo baahin aqooneed. Midna noloshiisa oo dhan wuxuu ku soo qaatay u adeeg bulsho, dhisida hayโ€™addo dadweyne iyo dawladdeed iyo kobcinta danta guud.

Dunidan waxay macasalaameeyeen iyaga oo ku jira badhtamihii ama aakhirkii lixdameeyaha. Sidii ay labo sanno u soo kala horreeyeen dunidda ayay misana laba sanno u kala danbeeyeen. Dhaxalkoogu wuxuu ka marag kacayaa nolol gaaban balse waxtar badan. Mudakar nolol qiime leh noolaaday dheh. Rabbow naxariistaada ku maanshee aamiin aamiin aamiin .

 

Xigasho:Abdirahman Adan Mohamoud

Bandhige@gmail.com