KULANKA KOOWAAD EE GUDIGA QORSHAHA QARANKA EE SOMALILAND.

Kulankii Koowaad ee Gudiga Qorshaha Qaranka (National Planning Commission) oo ka kooban Wasiirada Gudoomiyeyaasha ka ah Wadaagayaasha qorshaha qaranka oo uu shirgudoomiyo Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa galabta 4:30 galabnimo ka qabsoomay madasha shirarka ee Xarunta madaxtooyada Somaland.

Kulankaas ayaa gorfayn dheer ka dib la isla qaatay qodobo dhawr oo ay ka mid yihiin

1. Inay gudigu si firfircoon oo degdeg ah uga hawlgalaan maalingelinta iyo fulinta Qorshaha Qaranka ee 3aad

2. Dardar gelinta Madasha Horumarinta Somaliland ee caalamiga ah (Somaliland High Level Development Partnership)

3. Diyaarinta mashaariicda mudnaanta ah sida mashaariicda isku-sidkan ee xoolaha, beeraha, kaluunka, biyaha, tamarta iyo deegaanka

 

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL

Bandhige@gmail.com