Dawladihii Soomaliya ee kala danbeeyey sanad walba waxay saxeexaan ilaa 7 saldhig, waxaanay dalkii Soomaliya u bedeleen saldhigyo ciidan…

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Sidaasna wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxaannu beeniyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay xilligan Berbera ku sugan yihiin Saraakiil Itoobiyaan ahi.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xidhiidh oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arrintaas,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiir Cali Xasan wuxuu xusay inay xilligan Addis ababa ku sugan yihiin wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ciise Keyd, waxaannu yidhi “Horta weftiyo Somaliland ah way ku kala maqan yihiin dunida, wax cusubna ma aha in weftiyo Somaliland tagaan Kenya, Jabuuti, Maraykanka iyo Itoobiya, laakiin weftiga Wasiirka Arrimaha dibaddu way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xidhiidhka labada dhinac, balse maaha kaliya heshiiska sida dowladda Soomaaliya uun ay kaga dhegan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa.”

Wasiirka warfaafintu wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban 8 xubnood oo isgu jira waxgarad iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhammaystirka isfahamkaas, kuwaasi oo ku sugan Hargeysa.

Wasiir Cali Xasan oo la weydiiyay xiliga ay Somaliland rajaynayso in heshiiskii is afgaradka ahaa dhammaystirmo, waxa uu yidhi “Si fiican ayuu u socdaa, si dhakhso leh ayaa loo gabogabayn doonaa dhawaan waxaana la horgayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa.”

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya galaan heshiisyo sannad walba, laakiin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya. “Waa dagaal qaawan oo ay dowladda Xasan Sheekh la galeen Somaliland” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan, waxaannu sharraxay iskaashiga kale ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

“Magaalada Wajaale iyo Jigjiga waxay isku jiraan wax aan badnayn, ganacsiga ayaan la leenahay Itoobiya, ammaanka xaduudaha ayaan ka wada leenahay wada shaqayn, markaa waa wax soo socday waana xoojinaynaa,”ayuu yidhi Wasiirku.

Heshiiska isfaham ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1dii January 2024, ayaa dhigaya in Somaliland xeebteeda 20km oo marin baddeed ah ka kirayso Itoobiya, oo ay ka dhiganayso saldhig millatari oo badda ah. Iyadoo Itoobiyana ay noqon doonto dalka koowaad ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland.

Qore: Cumar M. Faarax

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka

Bandhige@gmail.com