Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre “Nimco-Gabaydo”, Q.6aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Qormada lixaad ee tixda iyo taariikhda Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo) waxa aynu ku soo qaadan doonnaa maanso magaceedu yahay saddexdii maanlaawe oo ka mid ah suugaanta ay kula hadashay haweenka. Maansadani waxa ay ku dhisan tahay godka loo yaqaanno baarcaddaha/saarka.

Maansadan waxa tirisay Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo), markii sooyaalku ahaa 7dii Disember, 2013ka.

Maansadu waxa ay ku baaqaysaa in aan ujeeddada siyaasadda loo qaadannin cadaawad, cay, afxumo, buuq iyo in meel lagaga dhaco milgaha ay dadku kala mudan yihiin. Tixdu waxa ay ka digaysaa in lagu xadgudbo xurmada aadamaha: mid nool iyo mid hoydayba.

Waxa ay hablaha ugu baaqaysaa in aanay la kala safan siyaasiyiinta hirdamaya ee aan saamiga siinnin haweenka, iyada oo ragga loollamaya ku astaysay “saddexdii Maanlaawe”

Beri waxa jiray nin lahaa boqol halaad iyo baarqab, kaddibna waxa uu geeliisiiba ku guursaday haweenay uu jeclaaday. Maadaama oo uu caydhoobay waxa ay dantu badday in uu ugaadhsade noqdo. Isaga oo ku maqan ugaadhsigii ayaa uu gabadha aabbeheed gurigii yimi. Haweenaydi waxa ay u tagtay nin deris la ahaa oo ugaadhsade ah, iyada oo ka codsatay in uu sii siiyo hilib ay aabbeheed u kariso. “Waayahaye, hadhaw ii soo bax” ayuu yidhi. Waxa soo galay saygeedii oo ugaadhsigii ka soo laabtay.

Waxa ay tidhi “Waxa aad tihiin saddex maanlaawe

Aabbo: inta la iga bixiyay boqol halaad iyo baarqab ayaad weliba xoolo ka doonaysaa ninkaa ugaadhsadaha ah

Ninkaygowna maanlaawe ayaad tahay. Adigoo lahaa boqol halaad iyo baarqab ayaad giddigoodba gabadh ka bixisay, waadigaa ka rafaadsan ee leebka sita

Maanlaawaha saddexaadna waa ninka muska ku jira ee gabadhaydaa boqolka halaad iyo baarqabka laga bixiyay ku raba in ay leg ugu soo baxdo.

Odaygi waxa uu gartay dayaca qoyska haysta, sidaas awgeed ayuu badh ka mid ah xoolihii yaradka loo siiyay ugu soo celiyay inantiisii iyo saygeedii”

Waxa ay tidhi:

Bulshada Soomaalilaaneey

Siyaasigu wacad ma yeesho

Sirdoonkuna malaha aammin

Waxay ehel iyo sokeeye

Saaxiibbo noqdaan dantoodu

Cidday subaxba u tilmaanto

Qofkuna bari sidii uu yeelay

Si leeg ilamaa la yeelo

Ma dhaado falkuu sameeyey

Sax iyo khalad midkuu ku sheego

Sidaan qabo aadamuhuna

Talada waw simanyihiine

Siyaasaddu caynkan maaha

 

Sahwiga iyo beenta maaha

Runtoo laga soomo maaha

Xaqoo la saluugo maaha

Inaan samo ka aradnaanno

Xumaan ku sifoowno maaha

Inaan xayaday iska saarno

Xishoodkana siibno maaha

Baaddilkoon u siyaaxno maaha

Cadliga seef goysa maaha

Sallaanka dulmigana maaha

Anshaxa inaan saydhno maaha

 

Siyaasaddu maaha maaha

Caqliga samirkiyo damiirka

Asluubtiyo dhaqanka suubban

Sowraca gobonnimiyo sharafta

Siday u dhantahay dadnimadu

Inaan Siiroo garaynoon

Sabool iyo caydh ka noqonno

 

Siyaasaddu maaha gacalo

Samsameey madaxweynaheenna

Axmed iyo sowjaddiisa

Inaan sanifnoon u tirinno

Inaan ku sasnoon dhaliilno

Inaan suuqyada ka cayno

Sidaan doonnana u hadalno

 

Siyaasaddu caynkan maaha

Ma aha soddoh qiimo badanoo

Si weyn loo wada qadariyoo

Xushmiyo mudan soo dhaweynoo

Saygeediina uu xijaabtay

Sumcaddeeda inaynu waxyeelno

Siyaasaddu maaha maaha

Marxuun saacadiis dhammaatay

Xabaashiyo iilka seexday

Inaan hilibkiisa saafno

Inaan sahal mayd u xamanno

Adduunka maxkamad ku saarno

 

Siyaasadi caynkan maaha

Sandoonow qaylo maaha

Ha la iswada seego maaha

Ha la isku sanaadho maaha

Sokeeye collooba maaha

Khiyaamee iyo sir maaha

Cadaawad sameyso maaha

Siyaasaddu caynkan maaha

Saxaafadda qowlal maaha

Muwaaddin codkii ku siiyey

Xaqiisana seeji maaha

Sidii rangers guryaha oo

Saqdhexe loo daato maaha

Inaan sardhino iyo maaha

Kursiga qaranka ii sitaacan

Ka fuulayna ha isa siiyo

Ka doonayna ha u sakhraamo

 

Saakana hadal iyo goaankay

Hablaha Somalilandee

Suugaan ugub inaan ku baaqo

Iyaga sababta u ahaayaw

Sidii shanta maal adduunyo

Raggaa idin kala suntadayee

Misana isu kiin salliday ee

Safeyn ugu kala jirtaan

Saddexdii maanlaawe weeye.

 

Saha iyo damac isku wadiyo

Sedkay isku laynayaanna

Kumaba lihin saami qaybsi

Waxaad ugu sacabtuntaanna

Sadooy waa dhoy la’aane

Siddii siddidiina mooyee

Hubsada suubaan dhaciinna

 

Ayida Samadka ina uuntay

Samow ku salliya Rasuulka SCW

Guriyaha salka dhiga xijaabta

Sitaadkeennii bilaaba

 

Ragow sidatani si maaha

Si aan ku qancaayo maaha

Wallaahi si fiican maaha

Ammaanadii aad siddeenna

Inaad dayacdaan sax maaha

Samaaloow miyaan adduunka

Siduu u dhan yahay xilkiisa

Rabbigu dumaddiina saarin?

 

Maxaydun sidaas u yeeli

Maxaydun u sibiq dhaqaaqi

Maxaydun seeri dhaafi

Muxuu suudhkiyo tayga

Seetada dabarkiyo hoggaanka

Iblaysku idiinku soohday.

Allaha Saatiru Raxmaana ah

U soo noqda waad gafteen e

Salaamka u toobbad keena

Sujuud dhiga oo ducaysta

Sidaa iyo macasaalama

Dhammaad. Hoos ka akhriso qaybihii hore. 

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-5aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-4aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-3aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-2aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/

http://bandhige.com/tixdii-iyo-taariikhdii-abwaan-nimco-aadan-hurre-nimco-gabaydo-q-1aad-wq-siciid-maxamuud-gahayr/