Fanaanaddii caanka ahayd Sahra Axmed ayaa geeriyootay, Madaxweynaha ayaa tacsiyeeyey

04/04/2018

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday ย Alle ha u naxariisteeย  Fannaanadii caanka ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ku sifeeyey hooyo ka baxday bahda fanka iyo suugaanta, magac iyo sumcadna ku lahayd bulshada ku hadasha afka Soomaaliga meel ay joogaanba, marxuumadu waxay fanka ku soo biirtay, 1969kii.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbigaย  Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/