Toddobaadyo iyo Bilo Farxaddeed-u Diyaargarowga Xafladda Qalinjebinta

Dhammaantood Ardeydaasi sawirradani  idinka Muuqdaa waxa ay isku diyaarinayaan maalin ku weyn taariikhdooda taasi oo ah qalinjebinta kaabiga innagu soo heysa, si ay ugu danbeyn u fadhiistaan hoolka xafladda qalinjebinta Jaamacadda Hargeisa ee kuwo badan oo iyaga ka horreeyey ay sii mareen Maalintiii ugu farxadda badneyd inta ay jaamacadda ku soo Jireen.

in badan oo waalidkiin ah ayaan helin xafladaha qalinjebinta aad inta badan ku taameeyseen idinku,ama wakhtigoodii aan sidani oo kale loo weyneyn jirin qalinjebintooda.Halka in badan oo idinka mid ah Waalidkood  aanuba soo helin fursad waxbarasho wakhtiyadoodii nololeed, hase ahaate    ay idinka idinku soo tabceen.intiina      waxbarteyna waxa hubaal ah in kuwo badan ay shahaadadooda u doonteen xafiiska ama ay ku heleen shahadadooda boosto lagu soo direy xaflad la,aan.

Sawiradda qorraalkan dhextaalka u ah oo ah ardeyda    kulliyada u addeegida bulshada Jaamacadda                                 Hargeysa        (Social      Work     Faculty     UOH)     oo     ay     si    hordhac    ah     isugu macasalameynaayeen     ayaa    wakhti     yar     dabadeed     isku     badaley    xasuus          muuq wanaagsan,annigana si weyn i soo jiidatey iguna dhaliyey in aan qorraalkan xasuusta ah aan sawirradoodaasi ugu lifaaqo.Sawiradaasi ardey badan oo iga muuqatey waxa ay ahaayeen kuwo si dhab ah u soo bixiyey dedaalkii iyo naf huridii ardeynimo ee laga rabey,waxa ay ahaayeen kuwo aan si fudud malintani oo kale ku soo gaadhin,waxey ahaayeen kuwo wejiyadooda farxada badan sidaad arkeyso ay ka muuqatey in maalintan oo kale     ay aheyd riyo in badan ay naawilaayeen.sawiradaasi ayaa i sheegay in bilahan iyo toddobaadyadan aad u aqoonsateen in aad u dabaal degtaan si aad u xasuusataan maalmihii adkaa iyo dedaalkii aad halkan ku soo gaadheen.

Sagootiska Jaamacaddiina

 

Ardey kasta oo Jaamacadda hargeysa ka baxaa wuu aqoosan yahay habka    sagootiska ee jamacaddiiisu ay u diyaariso maalinta qalinjebinta,waxa ay ku diyaarin kaadhadhka martida adiga iyo qoyskaaga,waa ta kuu diyaarisa dharka tirada              leeg ee ardey kasta xaflad ku maro,waa ta safka dheer kuu gelisa salaanta iyo dhageysiga codka dayaanka sanqadha baamboyda astaanta heerka sarre        ee maamus,waa ta dharkiina     idin kala midab du,da si aad isku aqoonsataan ,waa ta barxaddaasi maaliyinka          qof ku filan      idin gaar yeesha hal maalin sannadki,si ay u noqoto halka ugu danbeysa        ee ardeygu sii fadhiisto ka dib fasaladii sannadaha badan soo socdey,Maalintaasi waxa si gaar ah idinka     la idinku daari doonaa heesta calanka              dalkiina,waxaanad heli doontaan marti sharafta ugu heersareysa dalka oo madaxweynuhu ugu  horreeyo.

Macallimiintii yo Kulliyadiini

 

Maalmihiii badnaa ee dhawrka sannadood ahaa waxaad wakhtiyo isugu jira farxad iyo cadho aad soo wada qaadateen shaqaalihii,maamulkii iyo macallimiintii kulliyadiina,waase iyaduna mid soo dhamaatey maxaa yeellay waxna weligii                                                    sidaasi uma jiraayo waxaana aynu wada joogney dharaaro aan qalbiyada ka bixi doonin.Macallimiintiina,Maamulkii kulliyadiina iyo guud ahaan maamulka jaamacaddaba waxa farxad ugu filan in ay maalin dhow arki doonaan wejiyadiina oo farxad badani ka muuqato,iyaga oo hortooda aad ka soo muuqan doontaan iyada oo la  idin sacabinaayo,la idinku faraxsan yahay,la                    idin maamuusaayo,lana guddoonsiinaayo ardeydii ugu sarreysey abaalmarintooda taariikhiga ah ee waxbarasho.

hadallada iyo Waanooyinka

in hadal lagu     soo koobo socdaal ka soo billaabey 4 sanno ka hor oo loo fadhiyo sagootiskiisi maaha mid sahlan, lana wada gaadhi karo.Khudbaha ugu danbeeya madaxda iyo shaqaalaha jaamacaddu u jeedinayaan dufcada baxeysa iyo hadallada kale ee masuuliyiinta lagu soo marti qaado xafladdu saameyn ayey ku leeyihiin dhagaha ardeyda baxeysa,Siyaasad                      xumo,qabyaalad,reero                            iyo     mustaqbal      mugdi     ah,     isku      jawaabid iwm,haddii ardeyda hadal looga dhigo waxba mey dhageysan maalintoodii ugu farxada badneyd.Khudbaha qalin jebinta jaamacaddaha dunidu waxa ay ka siman yihiin 4 qoddob oo aan halkani idinkula wadaagi doono        1.Xoojinta Riyada ardeyda.si uu u gaadho himilooyinkiisa badan ee uu rajeynaayo haddana uu mid ka mid ah soo gaadhey.2.Shaqo badan iyo Dhabar adeyg:Dedaalka ardeyga,hawl karnimada iyo dhabar adeygiisu wuxuu dhaxalsiiya guulo badan oo lagu qanco,wixii dedaal badan la soo galiyey ayaa laga helaa waxtar badan iyo guulo.3.Guul-darooyinku waa qeyb nolosha ka mid ah:in aad marar badan oo guul dareysato     kuna dhacdo wax badan ayaa ah fursad ardeyga qalin jebiyey siin doonta      fursado iyo guulo waaweyn,adduunku inta jeer            ee aad khasaartey ma eegaayo hal mar oo aad guuleysatey ayaa uga qiimo badan.4.Naxariis/Dad la dhaqan:naxariista,dad la dhaqanka iyo dabeecada wanaagsani waa calaamadaha dadka maskaxka ka korey diyaarkana u ah in ay tacab dib u geliyaan dadkoodii soo gacan qabtey.Khudbad ardey qalin jebineysa loo jeediyey dunida oo aan afartaasi arrimood ku jirin maaha khudbad sagootis.

Farxadda Guryihiina iyo Dibadda

 

Qalin jebinta Jaamacaddu waa mida ugu sarreysa xafladdaha qalin jabinta cilmiyada maadiga ah,waana mid ku xidhan hadba sida l0o agaasimo ama qabto.kharash badan iyo isticmaal lacageed oo xad dhaaf ah ayaana hadda dad badani ku dhaliilaan.Lacagaha gunaanadka jaamacadda,Kharashka  Dharka, xafladda   sagootiska,kharashka                 baabuurta,xafladdaha shakhsiga ah,caweysyada iyo casuumadaha,safarada dalxiiska,sawirradda oo ah kuwa ugu muhiimsan iwm.,kuwaasi oo qoysas badan ku sababaa bixinta kharash badan oo ay suurto gal tahay in qeybo badan laga saari karo.Wejiyadda badan ee ardeydaa kala soconaaya ee nolosha kala gelayaa dhab ahaantiii xaflad iyo sagootisyadaasi kharash kasta ha soo baxee maaha kuwo ku filan oo u buuxin kara halkii ay isugu jireen,waase lagu qasban yahay in horre looga socdo halkani.

 

ha ilaawin wallaalaha maalintaasi ku soo diyaarin doona,ha ilaawin maalintaasi kuwa badan ee cadceeda iyo bacadka jaamacadda dhexdeeda kula joogi doona kuuna taagan,ha ilaawin kuwa ku soo xidhi doona hadyadaha qaaliga ah,u mahadnaq kuwa maalin iyo habeen ku shaqeyn doonaa toddobaadkaaga   farxadda marka      la gaadho.in badana xasuusnow kuwa kaa reebaya kana qaadaya muuqalada qalinjebintaada ee dib ku tusi doona aragtidaadi yareyd   ee berigaasi.

Ugu danbeyntii dhammaantiin waxaan idin rajeynayaa in qalin jebintaasi idin horseedo bilow cusub oo nololeed iyo guulo hor leh noloshiina.Waan  Jeclaan lahaa in aan Maalintaasi idinla joogo 2023 august.maalmo ayuunbaad    jaamacadda     joogeyseen maalmihiina wey dhammadeen.

 

Abdifataah M.Ahmed

 

Ceelaabe_10@hotmail.com