Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Abdirashid Aideed Yasin ayaa maanta soo Xidhay tababaro kala duwan oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Abdirashid Aideed Yasin ayaa maanta u soo Xidhay tababaro kala duwan oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha.tababaradan oo ka koobnaa afar tababar oo kala ah { Office Management, Communication Skills, Archive iyo Report Writing oo ahaa dhisidda iyo tayaynta shaqaalaha.

Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Cadnaan Ilka CaSe oo ugu horayn kulankaasi kahadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada tababaradan loo siinaayey shaqaalaha wasaaradda, waxaana ka qayb qaatay 40shaqaale oo mudadaasi uu socday dhigtay, iyada oo aanay noqon doonin tababaradii ugu dambeeyay ee shaqaalaha wasaaradda loo qabto ee ay noqon doonaan qaar aanu halkaasi kasii wadno Insha Allah.

Waxaa sidoo kale ku dhiirri geliyey Agaasimaha Waaxda ICT-ga Eng Xusri Khadar Aw-Daahir iyo Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Khadar Xaaji Yuusuf inay aqoontooda mar walba ka shaqeeyaan sidii kor ay ugu qaadi lahaayeen, ugana muuqan lahayd shaqada wasaaradda.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah u guddoonsiiyey Shahaadooyinkii isaga oo uga mahadnaqay cidkasta oo qayb ka qaadatay Qabsoomidda tababaradan.Waxaana tababarkan ay wasaaraddu kala kaashatay Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA iyo Wadaag Communications Consulting oo bixinaysey.