Tolow ciidamdii shisheeye miyaa la joojiyay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Horta waa mid eh dan inooma aha in ay ciidamdaasi soo dagaan dhulkeena, waanaynu og nahay sida sharci darrada ahayd ee jujuubka ahayd ee baaralamaanka looga ansixiyay.

waxaynu ognahay oo kale sida shicibka soomaliland ee dibada ku dhaqan uga soo horjeesteen, iyo dadka wax garadka ah ee wadanka gudihiisa ku nool, runtii danteena kuma jirto in ciidama shisheeya dhulkeena soo dagaan, arintaa dadbadan oo aqoonyahan ah ayaa ka hadlay.

Hadaba waxa is waydiin leh tolow miyaa la joojiyay saldhigii meletari, mise waa laynagu qancinayaa sidii ay u soo degi lahaayeen?

Aniga aragtidayda waxaan ku cabirayaa in la guda galay sidii laynooga dhaadhicin lahaa in ay ciidamdaas soo degaan wadanka, waxba ha ka dhagaysan waa la hakiyay iyo hadale kale, illaa aad ka maqasho waa la joojiyay waxba ismay badalin.

Waxaan idiin sheegayaa hakintan laydiin sheegayaa, waa bilowgii soo degista ciidanka, horta marka horeba layskuma haysan mashaariiic ay inoo qabtaan iyo wax kale, waxa laysku haystay waa soo dagista ciidanka, layskuma haysan mashaariic, yaan laydin majaro habaabin.

Imika waxaa laynoogu sawiray in mashaariic laysku hayo, waxa markaa imanaysa hadii mashaariicdii ay aqbalaan dee waa inay soo dagaan. Waxaa laynagu odhanayaa uun waa kuwaa mashaariicdii wadadii aqbalay, khalaas markaa waa inay soo dagaan, meesha mashaariic layskuma hayo waxaa laysku hayaa soo dagista ciidanka, yaanladin ma jaro habaabin.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com