Dhiilka dawarsiga (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

Waa barqo loo balansan yahay kulan lagu soo af-meerayo mashruuc bini-aadanimo oo socday muddo laba sanno ah. Kulanka waxa ka soo qaybgalay dad ajaanib u badan iyo dhawr Soomaali ah. Ajaanibku waxa ay isugu jiraan kuwo madow iyo kuwo cadaan ah. Hal-hal qof baa loo jeedinayey waxqabadkii qabsoomay, loogana fal-celinayey in la gaadhay yoolkii iyo in kale.

Dareenkayga waxa soo jiitay sheekadii u danbaysay.

1654

 Hamda Maxamed Ibrahim waa hooyo 25 jir ah oo ku nool Tuullada Dacawaley. Laba carruurteeda ka mid ah ayey ku weyday abbaarihii dhacay. ©Xuquuqda Sawirka: Peter Caton/Australian Red Cross

Waa nin Kiinyaan da’ dhexe ah.  Furfurnaan ayaa foolkiisa laga dheehanayey. Wuxu si tifaf-tiran u jeediyey hawlqabadkii ugu muhiimsanaa, isaga oo tusaaleyaal muuqaal ah ku taageerayey hadalkiisa.

Sawirkii u horeeyey, waa cunnug Soomaali ah oo ay dhabta ku hayso kalkaaliso Cadaan ah oo dhoola-cadaynaysa. Cunnuga waxa afka iyo sankaba kaga urursan diqsi tirro badan, nafaqo-daro aawadeedna beerka iyo bogga ayaa isku dhegay.

Muuqaaladu weli wey socdeen. Waa kuray caagad madhan gacanta ku laad-laadinaya, afkana hoos haysta qasabad aan goror biyo ah ka soo tifiq lahayn.

Waxa uu ku xigsiiyey sawir hooyo aad u itaal-daran oo ku nool aqal-Soomaali duugoobay, dayac badanna ka muuqdo. Sawirku waxa uu muujinayey dhul barwaaqo ahaan jirey bal se nabaad-guuray, unna muuqdey mid baadkii iyo biyihiiba ay mar hore ka idlaadeen.

Indhaha ayaan si hoose ugu xaday ka qayb-galayaasha kulanka, aniga oo raba in aan akhristo dareenka wejiyadooda ka muuqda. Badanka dadka Cadaanka ah, unna badan dumar dhallinyaro ah, aad bay u qiiraysanaayeen. Wax ay muujinayeen dareen-ka-xumaansho leh oo u baahan gurmad. Nimanka kale oo hortayda ku beegnaa waa dad madow, oo badankoodu ku mashquulsan koombiyitaradooda gacanta. Iyaga dareenkoodu waa mid maqane-jooge ah oo u muuqda kuwo aan rabin in  ‘sheekadu’ qalbigooda u sii daayaan.

Sawirradu waa qaar dareen-taabad ah. Mid kastaana waxa u xanbaarsanaa farriin gaar ah oo salka ku haysa tiirarka mashruuca lagu aasaasay. Waa kuwo sahlaya in qofka qalbiga jilicsan lagu godlo si loo helo dhaqaale mashruuca lagu baadhi-taaro.

303B1524-3D63-4F5B-82ED-8F370F2A8AD9_w1023_r1_s

Wiilkan waxa uu sitaa jirkaan madhan. Wuxu baadi-goob ugu jiraa biyo. Goobtu waa Balli-gubadle.   ©Xuquuqda Sawirka: Reuters

Waxa aan u soo baxney nasasho gaaban. Dabadeed koob bun ah baan sii qaatay, una dhaqaaqay goob ka durugsanayd meesha sharaabka lagu cabayey. Waxa aan isku maararow siinayey daawashada dhirta gaagaaban ee sida farshaxanka leh looga dhex beeray hudheelka aan ku sugnayn.

Mar keliya ayuun baan ku war helay qof dhankayga u soo socda. Waa maamulahaygii Mashaariicda Bini-aadanimo ee Geeska Afrika.

Bariido san iyo soo-dhawayn kal iyo laab ah baan ku qaabilay. Dabadeena xog-waraysi  la xidhiidha shaqadayda iyo muddada aan ka hawlgaleyey mashruuca ayuu si dabacsan iiga warsaday.

“Waan ka xumahay in aan ‘muuqaaladan’ daawado. Runtii waa carruur iyo haween jilicsan,” ayuu mawduucii sheekada mar keliya ku badalay.

“Dalkiinu waa hodan. Wuunna qurux badan yahay, ” ayuu sii raaciyey.

Aniguna, madaxa ayaan u luxay weedhihiisa ammaanta huwan.

“Ma is-leedahay ‘xaqiiqatan’ mashruuc kale xaaladda wax buu ka badalayaa?” ayuu si ka fiirsi leh ii weydiiyey.

Waan fahmi karayey in weydiintiisu sarbeeb wadatay. Waayo waxa aan malaysanayey in soo-jeedimihii ka-qaybgalayaashu jawaabo waafi ah ka bixiyeen sababaha loogu baahan yahay in mashruuc kale la bilaabo.

Wuxu akhriyey ‘wejiga aan ururiyey’ ee u muuqda in aanan jawaab cusub haynin.

“Muddo dheer baan ka shaqaynayey Afrika. Muuqaalada ‘sidan’ ah waa kuwo isku wada mid ah dhammaan qaaradda. Carruur iyo haween jilicsan oo duruufuhu nugleeyeen ayaa si joogto ah loogu lamaaneeyaa qoraaladda laga gudbinayo Afrika. Bal se anigu marka aan tego meelaha muuqaalada laga soo gudbiyo, duruuf ka gedisan baan ku arkaa. Waa dhul barwaaqo ah oo beero-falashada ku wacan!”

Hadalkiisa waxa ka dhadhansaday dhaliil  ‘xishmad’ leh. Wuxuuna i tusayey in dhulkaas hodanimada leh, ooggadiisa lagu dul gaajoonayo.

Haa. Haa mashaariic kooban, oo hal iyo laba ah, duruufaha dalkeena waxba kama badalayaan. Keliya waxa ay inoo sii horseedayaan ku-tiirsanaan kale iyo inaga oo noqona bulsho gacmo-hoorsigu dhaqan u noqdo.

Guud ahaan dalalka Afrika iyo gaar ahaan dhulka Soomaalida, waxa aynu qabatinay in aynu dhabarkeena ku xanbaarano ‘dhiilka dawarsiga’. ‘Dhiilkaasi’ inooma buuxsamo, kummana baahi baxno. Markasta oo xaalad abbaareed ka gudubno, ma hayno sahaydii aynu kaga samato-bixi lahayn mid kale.

Haddana xaalad kasta oo ina soo food-saarta waxa aynu baaq u diranaa bulshada tannaaday. Waxa aynu aaminay in aynaan waxba qabsan karin, waxba noqon karin,  oo aynaan isku filnaan karin marnaba. Sow markaas ma aha in dadka dunidu dhibsadaan muuqaalada carruurteena daraysan ee aynu ku dawarsanayno?

Nasiir darro, madaxdeenu ma dhaadsana arrimahan. Waa kuwo aan la duruuf ahayn bulshada ay matalaan. Musuq-maasuq, eex iyo qaraabo-kiil baa u ah falfasad-hoggaamintooda qaabaysa.  Dabcan, hoggaanka xun, bulshada wuxu ka dila hanka iyo hiigsiga. Wuxuuna baraa dawarsiga shisheeyaha.

Ma habboon tahay in aynu isku tashano? Oo ‘dhiilka dawarsiga’  kala jebino? Lanna nimaadno tacab iyo tallo mid ah?

Hadaba, yeynaan xalka ka raadinin baryo shisheeye ee gondaheena ayeynu ka samayn karnaa nolol qiime leh, haddii aynu la nimaadno dadaal iyo maskax-furnaan.

WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar

abdikadiraskar@gmail.com

www.abdikadiraskar.com