Sucuudigu wuxu markii koowaad wasiir-xigeen u magacaabay haweenay

Dr. Tamader bint Youssef Al Rammah ayaa noqotay haweenaydii koowaad ee wasiir-xigeen ka noqota Sucuudiga kadib markii isku-shaandhayn culus lagu sameeyey madaxda ciidamada qalabka sida iyo xubno wasiirro ah.

Sucuudiga ayaa ah waddan aad u xidhxidhan isla markaana aan dumarku door ka qaadan saaxadda siyaasadda. Magacaabista Dr. Tamader ayaa loo arkaa in ay qayb ka tahay isbeddelada Sucuudiga ka socda ee uu ballan qaaday dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ballan qaaday in uu dalkaas ku samaynayo isbeddel gun iyo baar ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca dhaqanka ah.

Sannadkii inna dhaafay ayuu boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis ku dhawaaqay in haweenka Sucuudiga loo oggolaan doono in ay baabuurta kaxeeyaan, go’aankaas oo hir galaya bisha 5aad ee sannadkan.

Sidoo kale Boqotooyadu waxay u oggolaatay in haweenku ay garoonnada kubadda lagu daawado tagi karaan daawana karaan iyo in ay ka qaybgalin karaan goobaha lagu caweeyo ee filimada iyo heesaha lagu soo bandhigo kuwaas oo aan hore uga jirayn Boqortooyada Sucuudiga.

Qaybo ka tirsan haweenka sucuudiga iyo ururrada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ayaa soo dhaweeyey magacaabista Dr. Tamader waxayna ku tilmaameen tallaabo dhinaca horumarka loo qaaday.

Bandhige@gmail.com