Turkiga iyo taxadarka looga bahan yahay (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Taariikhdu markii ay ahayd 16-kii bishan xilli saacadu ay ku beegnayd 9:30 habeenimo, ayaa waxa si lama filaana dalka Turkiga uga dhacay afganbi milatari oo lala doonayay in lagu rido dawlada uu madaxda ka yahay Recep Tayyip Erdogan oo xiligaasi afganbigu socda waddanka dibedda kaga maqnaa.

Kooxda Milatariga ee Af-ganbiga waday isla saacadahiiba waxa ay war qoraala ku sheegeen in dalka Turkiga ay gacanta ku hayaan, iyaga oo sheegay in ay la wareegeen awoodii dalka oo dhan.

Waxa caasimada dalka markiiba lagu arkay diyaaraha dagaal oo joog hoose ku dulaaya kuwaasi oo kor maraya caasimada oo dhan, taasi oo dhammaan dadkii reer Turki argagax galisay.

Waxa dhammaan wadooyinka qaarkood lagu jaray taankiyada ama kaarayaasha dagaalka, goobaha taangiyada lagu jaray waxa ka mid ahaa wadooyinka gala dhammaan garoomada diyaaradaha ee magalada Istanbul iyo Ankara.

Haddaba arinta layaabka lihi waxa ay ahayd, markii madaxwaynaha dalku uu dadka kala hadlay idacadaha uguna baaqay in ay dibedda iyo wadooyinka u soo baxaan, si ay cadawga waddankooda qabsaday uga dhiciyaan.

Arrintaasi waxa ay aad uga yaabisay dad badan oo adduunka ku dhaqan sababta oo ah, Adduunyada waxa lagu arki jiray afganbi marka uu dhaco, dhammaan magaalooyinka iyo goobaha ganacsigaba bando lagu soo rogo, dadkana looga digo in ay guryaha kasoo baxaan inta amar-danbe laga soo saraayo.

Balse arrintan Turkigu waxa ay noqotay mid ka duwan dhammaan dhaqamadaasi oo badankooda laga isticmaalo wadamada Afrika ee ay ku badan yihiin kaligii taliyayasha aan marnaba jeclayn in ay xukunka cidkale kula loolanto.

Waxa iyaduna dhacday in dhammaan dadkii ay qaateen amarkii iyo khudbadii madaxwaynaha, kadibna ay guryaha iyo aqalada dibedda uga soo baxeen, si aan gabasho lahayna ay naftooda ugu bimeeyeen in Karaayashii iyo dibaabadihii ay hor istaagaan iyaga oo an wax qoriya sidan.

Balse akhristaw ma isleedahay hal iyo nirig-teed waa ay is ogyihiin ama waa isku dhaqan, kadib markii milatariga dalkuna aanay shacbigooda u isticmaalin awoodii milatari ee ay lahaayeen.

Haddaba wakhtigan xaadirka ah oo la odhan karo waddanka Turkigu waxa uu kusoo noqday sidisii caadiga ahaa, walay ay jiraan dareeno muujinaya in laga cabsi qabo in ay waddanka ka bilaabmaan rabshado iyo qulqulatooyin raad ku leh kacdoonkii fashilmay.

Madaxweyne dalkaasi Turkiga Erdogan ayaa waxa uu idaacadaha ka sheegay in isku-daygan ay ka dambeeyeen koox yar oo ka tirsan milateriga, kuwaasi oo oo taabacsan wadaad dalka mastaafuris kaga maqan kuna nool Maraykanka kaasi oo lagu magacaabo Fatxullaah Gulen.

Waa kuma Fatxullah Gulen

Ninkan odayga ahi asal ahaan waxa uu u’dhashay Turkiga waxaanu ku dhashay isla waddanka, waxa da’diisa lagu qiyasaa 75 sano jir, wakhtigan xaadirka ahna waxa uu ku nool yahay waddanka Maraykanka gaar ahaan magaalada Saylorsburg, ee Gobolka Pennsylvania.

Taariikhdu markii ay ahayd 1999 ayaa wadaadkani uu dalka Turkiga ka tagay isaga oo tagay dalka Maraykanka, xiligaa uu Maraykanka tagay waxa uu si dhakhsa ah u asaasay Urur lagu magacaabo HIZMET kaasi oo adeegyo badan ka sameeya dalka Turkiga guddihiisa, waana urur inta badan tageera xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee AK party.

Marka la eego dhinaca madaahiibta waxa uu wadaadkani yahay mid suni ah gaar ahaan dhinaca suufiyada oo uu aad u aamisan yahay, waa nin lagu tilmaamo in uu yahay dadka taageera waxa loogu yeedho fekradaha Islaamiga ah ee dhexdhexaadka ah.

Waa nin ka horjeeda waxa loo yaqaano xagjirnimada, waxa uu kulamo aanu qarsan markasta oo la sameeyaa madaxda kaniisadaha, tariikhdu markii ay ahayd 1990-kii ayaa waxa uu kulan la yeeshay baadariga u sareeya kaniisada Katooliga Pope Paul.

Waa nin aan inta badan jeclayn in Saxaafada uu la kulmo wararna uu siiyo, ilaa wakhti ay ka fursan waydo mooyaane. Wadamada reer Yurub iyo Maraykanka waxa ay ku tilmaamaan in uu yahay wadaad dhexdhexaad aadna ugu janjeedha fikirka iyo hab maamulka reer Galbeedka.

Ururka la magac-baxay HIZMET ee wadaadkani uu dalka Maraykanka ka sameeyay, waa urur gargaar oo dhinaca caafiimadka ku bixiya adeegyo lacag la’aana, taasi oo la odhan karo waxa uu ku hantay soojidashada dad badan oo Turki ah.

Dad badan oo siyaasada waddanka Turkiga u dhuun daloola waxa ay aaminsan yihiin in wadaadkan iyo madaxwaynaha Turkigu ay wakhti badan ahaayeen kuwo dhinaca siyaasada xulifo ah, dhinacna kasoo wada jeeda taasi oo ay cadayn u tahay in ururkan uu wadaadkani leeyahay Madaxwayne Erdogan ka taageeray dhinaca doorashada markii uu tartanka ku jiray.

Waxa dadka qaar ku tilmaamaan in wadaadkani uu yahay mid intii uu waddanka Maraykanka joogay barnaamijkiisa siyaasadeed uu kor u kacay, waxa la sheegaa in waddanka Turkiga guddihiisa uu ku leeyahay taageerayaal aad u fara badan. Waana nin ay saxaafada iyo warbaahinta reer galbeedku aad u buunbuniyaan.

Wadaadkan isaga ahi waxa uu madaxwayne Erdogan iyo xukuumaddiisaba u arkay in ay tahay mid qaabkii kaligii talisnimada u shaqaynaysa, kadibna waxa ay si toos ah isugu dhaceen kadib markii baadhis aad u qoto dheer lagu sameeyay arrimo musuqmaasuq oo dalka ka dhacay, kuwaasi oo shaqadii lagaga eryay saraakiil badan oo la xulafa ahaa wadaadkan sannadkii 2012.

Muddo yar ka bacdi waxa olole aad u xoog badan lagu qaaday saraakiil aad u fara badan oo loo arkayay in ay xidhiidh dhaw la leeyihiin Wadaadka lagu magacaabo Gulen. Kadib markii lagu eedeyay in ay waddaan Inqilaab hoose oo ay doonayaan in ay ku ridaan dawladdan Erdogan.

Haddaba isku dhacii ugu balaadhnaa waxa uu ahaa kii sannadkii 2014 kaasi oo madaxweyne Erdogan shaqadii kaga eryay saraakiil aad u badan oo boqolaal gaadhaya, kuwaasi oo isugu jiray Milatari iyo Booliska.

Haddaba iyada waddanka Maraykanku uu arrintaasi ka hadlay in aanu wax shaqo ah ku lahayn ayaa haddana waxa ay illo badan oo arrimahan dalka Turkiga u xogogaal ahi ay rumaysan yihiin in Maraykanka iyo dawladdo badan oo reer Yurubi ay arrimahan ka danbeeyaan.

Wadaadka laftiisa oo arrimahan ka hadlay isaga oo jooga dalka Maraykanka ayaa waxa uu kasoo horjeestay eedaynta lagu soo eedeyay in uu lug ku leeyahay afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Siyaasada Turkiga halkayy ku danbayn doontaa?

Waxa wakhtigan xaadirka ah soo baxaya in Madaxwayne Erdogan uu cadhadii iyo ciilkii uu kula dhex dhacay ragii uu islahaa waxa ay ka danbeyeen inqilaabka, iyada oo la sheegaayo in kumaankun oo ka tirsan Milatariga waxna jeelasha loo taxaabay waxna shaqooyinkii laga eryay.

Waxa kale oo iyadana la dareensan yahay, in saraakiil badan oo dalkan Turkigu in badan ku faani jiray in ay kacdoonka dhacay aawadii ay xilalkooda ku waayo donaan, taasi oo la odhan karo waxa ay caqabad wayn ku noqonaysaa madaxwaynaha dalka laftiisa.

Haddii aynu xoogaa faalo ah ka bixino mushkiladaha faraha badan ee Turkiga hore u haystay ee ay ka mid ahaayeen, caqabadaha iyo faquuqa kaga imanaya dawladdaha reer Galbeedka iyo Maraykanka oo ulo-booca ugu tukubaya sidii ay mar uun nidaamka madaxwayne Orgodan u ridi lahaayeen.

Waxa kale oo jira in wakhtigan xaadirka ah dalka Turkigu uu ku jiro siyaasad dhexdhexaada oo dadka qaar ay u fahmi karaan in ay tahay Turkigu dawlad Islaam ah oo badhaxtiran .

Fikirkaasi oo aan isleeyahay maaha mid sida la moodaayo u jira, waxa aan ka hadlayaa waa nidaamka distoor ee Turkiga u dhisan oo aan waxba ka duwanayn nidaamada ay leeyhiin dawladaha kale ee Muslimiinta ah.

Balse haddana Madaxwaynaha Turkiga ayaa waxa lagu tilmaami karaa in uu yahay nin faham-san dabin-daabyada iyo dabinada ay dad badan oo cadawgiisa ahi ay la maagan yihiin.

Waddanka Turkigu waxa uu ka mid ahaa wadamadii dunidan aynu ku nool nahay ugu xadaarada iyo xooga badnaa, taasi oo uu ku helay awoodii faraha badnayd ee ay Dawladahii Islaamiga ahaa ee Turkiga soo maray uu ka dhaxlay, sida dawladii Cusmaaniyiinta iwm.

Haddaba haddii madaxwayne Ergodan sida uu hadaba bilaabay uu kaga dhabeeyo in dhammaan saraakishii iyo hawl-wadeenadii ku lugta lahaa kacdoonkii dhicisoobay uu talaabo ka qaado, taasi waxa ay ku keeni doontaa xagal daac aad u fara badan waddankuna waxa uu gali doonaa xaalad uu isagu guddahiisa isku jeesto, taasi oo cadawguna ay ka faa’iidaysan donaan.

Sida la wada yaqaano marka ay arrimahan oo kale ay dhacaan waxa hubaala in madaxwaynaha dalku uu ka fikiro in dhammaan dadkuu uu islahaa hawshan inqilaabka ayay ku lug-lahaayeen in uu badhna xidh-xidho qaar kalena uu shaqada ka eryo, taasi oo ku noqon doonta caqabad wayn oo ka hor iman doonta mustaqbalka dhaw.

Waxa iyaduna meesha soo galaysa in rag badan oo dalka iyo dadkaba waxtar u ahaa balse hawlahan dalka ka dhacay ay sinbiririxiyeen in ay cabsi ay ka qabaan dawladda dalka dibedda uga baxaan, kadibna ay kasoo jeestaan dalalka kasoo horjeeda siyaasada madaxwayne Ergodan.

Waxa kale oo meesha iman kara in dhaqaalaha waddanka Turkigu oo loo arko in uu wakhtigan kor u socdo in uu hoos u dhaco, haddii madaxwaynahu aanu qaadin talaabooyin aad u taxadar badan oo uu arrimahan ku maaraynaayo.

Waxa kale oo dhimanaysa kalsoonidii iyo is-aaminkii madaxda dawlada, waxa bilaabmaya xiligan oo kale xuuraan iyo is-xulafaysi aan caadi ahayn taasi oo dhammaan dalka oo dhan horu-markiisa dhaawici karta.

Waddanka Turkigu marka dhaqaalihiisa waxbadan loo kuur galo malaha warshado waawayn oo wax soo saar balse haddana waxa la odhan karaa waxa uu ahaa Turkigu wakhtigan xaadirka ah mid dhaqaalihiisu uu kor u soo kacaayo.

Inqilaabkii fashilmay ee Turkiga waxa iyaguna si aad ah uga naxay dawladdo yaryar oo Turkigu dhaqaale ahaan kabayey kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dawladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti iwm, kuwaasi oo isaga laftiisu uu ku lahaa dano siyasadeed, haddii siyaasada waddanku ay saldhigi waydo meesha ka baxaaya.

Waxa kale oo iyana jira in waddanka Turkigu heshiis aan dhamays-tir wali noqon uu la saxeexday dawladaha reer Yurub, kuwaasi oo ka dalbaday in Qaxootiga faraha badan ee kasoo gudbaaya xadkiisa uu halkaasu ku hayo kuna masruufo, iyaguna ay ka taageeri doonaan dhinaca dhaqaalaha.

Hase yeeshee kaasi ayaa isaga laftiisu waxa uu Turkiga ku noqon karaa caqabad hor-leh, sababta oo ay way adag tahay in dawladaha Yurub oo dhan uu Albaab u noqdo ka ilaaliya qaxootiga faraha badan ee kusoo qulqulaaya .

Balse arrimahaasi Qaxootiga waxa aad moodaa Madaxwayne Erdogan in uu u dhag-raariciyay taasi oo la odhan karo madaxwaynaha waxa uu u xeeladaysanaya sidii ay reer Yurub mar uun u aqbali lahaaayeen in uu ka mid noqdo dawladaha la-isku yidhaahdo midawga Yuruf oo aanu iminka ka tirsanayn balse qaarad ahaan uu ka mid yahay.

Waddanka Turkiga waxa kale oo jira jabhada guddaha Turkiga kaga furan oo in mudda ahba dagaalo ku hayay, walay ay adag tahay sidii ay jabhadaahasi ay uga faa’iidaysan lahaayeen kacdoonadan iminka jira, haddana waxa la odhan karaa markasta oo siyaasada waddanka ay ruxanto waxa ay jabhadkasi heli karaan awoodo aanay markii hore aanay haysan, haba-uguratee dhinaca muralka (niyad dhiska).

Akhristayaal waxa aan fala nqaytan kusoo gunaanadayaa, bad-badada waddanka Turkigu waxa ay ku xidhan tahay hadba madaxwayne Ergodan iyo saaxibadii qaabka iyo xeelada ay ku xaliyaan xurgufaha aadka u wayn ee wadcanka soo foodsaaray.

Haddii uu damco in uu madaxwaynahu arrimahan ku xaliyo xoog iyo kanna xidhan, kuwana xilka ka qaad, kuwa kalana kharaji, qaarna waddanka dibedda hawga baxaan,  taasi waxa ay dhammaan dalka Turkiga ku noqon doontaa dib u dhac wayn oo aanu kasoo waaqsan, cadawgiisina waxa ay heli jaanisyo aanay markii hore aanay helayn balse ay hada ka fa’idaystaan.

Haddii uu madaxwaynuhu arrimahaasi ku kacana, waxa hubaala in dalkuna uu galaayo xaalad adag , isaguna wakhtigiisa uu ku dhamaysan doono cabsi iyo fojignaan aan loo baahnayn, taasi oo keeni doonta in uu cadaw badan ku yeesho dalka gudahiisa.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar