Turkiga: 99 Jeneraal ayaa waxa lagu soo oogay dacwad

Masuuliyiinta Turkiga ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay sagaashan iyo sagaal jeneraalo oo lala xidhiidhanayo in ku lug lahaayeen afgambigii dhicisooabay ee milatariga.

Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu wadahadal la yeeshay taliyayaasha milatari ee daacada u ahaa waqtigii hawlgalka afgambiga.

Waxa la filayaa in uu ku dhawaaqo wax cusub goor dhow. Waxaa shaqada laga qaaday qaarna la xidhay tobanaan kun oo askar, garsoorayaal, qareeno iyo macalimiin laga shakisan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin Fethulah Gulen.

Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka ayaa dawladda ku eedeynaysaa in uu soo abaabulay afgambiga, laakiin wuu beeniyay in uu ku lug lahaa.

Xukuumadda Erdogan hoggaamiyo ayaa waxay haatan in ay kabaha la dul martii dadkii xidhiidhka dhow la lahaa afgembigaas.

bandhige@gmail.com