TV-yada Soomaaliyeed: Taran tayadoodu taban tahay Q.1aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

 

Mar waxaad dhadhamisiyo,

 Mijin Qaad ah haw dhiman,

 Hana  talin masiibiyo

 Wax makhluuqa kala dila.

 Maskaxdaadu yay noqon,

 Maqal lagula leeyahay,

 Yaan toban muftaaxiyo,

 Lagu furan masaabiir.

 Maalkaagu yuu noqon,

 Mus-dambeedka reerkiyo,

 Maqsinkaad u hoyatiyo,

 Masallaha Rasuulkiyo,

 Ku Masaajid lagu gubo.”

Maansadii Mullaax ee Ibraahin-gadhle

Shinku waa shinkoodii……..Sheeg-sheegga qaarkii…..sharka ay shubaayaan……Shaqadooda weeyaan………Shawahaad ma daayaan……Iyo sheeko-baraley……Shushubin, shareer, erey shaqal leh iskumaba shiddeeyaan.

Adduun badan iyo itaalba waxba lagama hagran……Waa loo hagar-baxay……baahintooda buur iyo bannaanba waa loo maray…….badahaa loo jiidhay……milyannaa ku baxay…..xoolo geel gooyaa laga bixiyay….. Shubanka qaylada…….iyo shaamo-reerkuba……Waa shishe…….Qaar dibad ku sheelan……Shaash iyo khamaar….niigtaynno shucubbo leh……iyo sharaf madhnaan badan….Runta way ka sheexaan…….Shacni waa u fool-xumo……sharaftoodu waa faan……sharaddoodu waa tookh…….iyo shalaan shukaansiga…….shansho dhacan ku soo helay……..Shinkoodu ma foga……Waa shalay……Ama shalay-maantaba sidii reer Xamarka……Medadaalo shuban……Shax-shax muuqaallo ah…

Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso dhacdo aanan dhaafi karin, in kasta oo aanay markii hore qayb ka ahayn qormooyinkan. Waa xafladdii 10-guuradii HCTV oo in kasta oo aanan ka mid ahayn dadkii lagu marti-qaaday, haddana aanan ka amuusi karin oo hambalyo iyo bogaadinba inaga wada mudan. Waxaan hambalyaynayaa xusuusta ay is-xusuusteen ee ay maalintan 29ka Meey ku suntadeen. Waxaan hambalyaynayaa in ay karti u yeeshaan in ay xaflad caynkan ah qabtaan. Waxaan hambalyaynayaa in ay weriyayaashoodii qaar badan oo ka mid ah goob keliya iskugu keeneen. Waxaan hambalyaynayaa in ay shahaadado ka wada simeen, 19 ka mid ahna dhiirri-gelin lacageed siiyeen. Hambalyo ayaan leeyahay.

Haddana bogaadintani ma aha gorfayn aan ugu ambo-baxay HCTV wuxu galo iyo wuxuu gudaba. Ma aha gorfayn aan ugu ambo-baxay wuxu gabay iyo waxa gadmayba. Waxaan ugu ducaynayaa in Ilaahay ka dhigo kuwii aan ka jirin ee la jira dalkooda, dadkooda iyo dawladdoodaba. Ilaahay ha ka dhigo kuwii aan baylahda dalka taalla  iyo maalmaha goonyaha kululba aan ka gelgelin doonan. Kuwii garnaqee aan gaabsannin. Aammiin. Aan ku soo noqdo mowduucaygii xuddunta u ahaa taxanahan.

Guud ahaanba adduunyada shaashadaha TV-gu waxay ka soo bilaabmayaan xilliyo ku beegnaa 1880kii markii ay Alexander Garaham Bell iyo Thomas Edison hindiseen fikrado la xidhiidha tebinta iyo gudbinta muuqaallada iyo maqalkaba. 1884kii ayuu Paul Nipkov ku guulaystay in uu muuqaallo dhex mariyo giramo bir ah oo wareegaya.

1900kii ayaa Carwadii Caalamiga ahayd ee Paris lagu dhex qabanqaabiyay Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Korontada. Halkaas ayaa ugu horreysay in caalimkii Ruushka ahaa ee Constantin Perskyi uu markii ugu horreysay adeegsado ereyga ‘Television’.

Hindisihii TV-gu ma ay ahayn wax qof keli ahi la yimid. Xaasha! Soo-if-baxii TV-gu waa hawl ay dad badani isugu tageen oo ka soo bilaabantay tijaabooyin bilow ahaa oo ku sinnaa xilliyo hore, gaar ahaan tan iyo sannadihii 1830aadkii. Markii hore wuxu ku bilaabmay TV-gu madow iyo caddaan ama ‘Black and White.’

Horumarkan ay adduunyadu ku tallabsatay wuxu u badan yahay 70kii sannadood ee ugu danbeeyay. Waxaan si fiican u xusuustaa in aan dalka Talyaaniga waxbarasho Jaamicadeed u tegay dabayaaqadii 1968kii. Beryahaas dalka Talyaaniga waxa ka socday TV madow iyo caddaan ah oo markaa lama gaadhin TV-yada midabka ah. Koobkii Adduunka ee Kubbadda cagta oo 1970kii lagu qabtay Mexico, waxaan rumaysanahay in aanu ku daawannay madow iyo caddaan.

Dalka Maraykanka waxa lagu qiyaasaa in 1954kii markii ugu horreysay seyladaha la soo geliyay TV-ga midabka ah bal se qiimaha oo aad u sarreeyay iyo barnaamijyada hawada gelaya oo liitay awgood aanu suuq wanaagsan helin. Dabayaaqadii lixdanaadkii iyo bilowgii toddobaatanaadkii qarnigii 20aad ayay shaashadaha midabka lihi suuqyada qabsadeen.  Dadab-galka arartan kooban waxaan ka martiyay oo aan idiin ka soo minguuriyay inteeda badan gaaxda iyo xusuusta odeygenna guunka ah ee Google. Is-na waa uu ku mahadsan yahay.

Marka aynu dalalka horumaray ka nimaadno ee aynu ku soo noqonno dhulka ay Soomaalidu degto, TV-gu wuxu ugu soo horreeyay dalka Jabuuti oo aan filayo in xaruntii ugu horreysay laga furay bilowgii siddeetanaadkii qarnigii 20aad iyada oo madow iyo caddaan ahayd. Xaruntii labaad waxay ahayd Muqdisho oo aan filayo in laga furay xaruntii ugu horreysay badhtamihii siddeetanaadkii qarnigii 20aad.

Waxa inoogu xigay xarumihii TV-yada ee ka furmay Hargeysa laga soo bilaabo 1997kii iyo kuwii ka danbeeyay ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaan kuwa laga furay magaalada London.

Dhinaca togan:

Waxaan is-leeyahy dadka iyo dawladaha TV-yadaa sameeyay ee maal-geliyay waa ay mahadsan yihiin oo naf-hur la yaab leh ayay sameeyeen. Tamar iyo hanti aan la qiyaasi karin ayay ku bixiyeen samaynta xarumahan TV-yada iyo joogtayntoodaba. Waxa kaaga daran kharashka kaga baxa in ay hawada geliyaan oo sii dhex mariyaan Cir-jiidhada wararka sawiran laliya. Kun jeer aan hambalyayno.

Wax badan ayay TV-yadu soo kordhiyeen. Waxaan is-leeyahay tebinta barnaamijyada Diiniga ahi waa kuwa ugu mudan.

Waxa kale oo aan is-leeyahay haddii la is-yidhaahdo sii hagaajiya in wax badan laga qaban karo, gaar ahaan iyada oo la sii xulo culimada aqoonta iyo gudbinta ama tebinta fiican leh.

Waxa kale oo aad looga hawl-galay curinta iyo tebinta barnaamijyada suugaaneed iyo dhaqameed oo ay abaal weyn inaga mudan yihiin hal-abuurka curiyaa ama inoo soo tebiyaaba. Ma ogi in ay TV-yadu wax dhiirri-gelin ah ku leeyihiin iyo in kale.

Waxa iyaguna wax-ka-soo-qaad leh barnaamijyo laga sameeyo magaalooyin ama degello Soomaaliyeed oo run ahaantii qaarkood xusuus gaar ah kugu reebayaan. Waxa kale oo aad ka ogaanaysaa horumarka ama dibudhaca degaankaa ku dhacay.

(La soco……………………….)

Fiiro-gaar ah: Qormadan iyo qormooyin kale oo dembeba waxaa uu qoraagu qoray waqti hore balse waxaanu doorbidnay inaanu akhristeyaasha HUBAAL Mar  kale u soo bandhigno, si ay uga faa’iidaystaan farriinta  ay  xambaarsan tahay