Britain waxay sheegay in aanay badalaynin dal ku galka bilaashka ah ee ay siiso dalalka Midawga Yurub

 

Dawladda Britain ayaa qorshaynaysa in ay sidooda sii ahaadaan qawaaniinta dalalka ku jira Midawga Yurub u ogolaanaya in UK u socdaalaan iyaga oo aan dal ku gal lagu xidhaynin, kadib marka uu dalkaasi ka baxo Midawga, sida ay BBC fahamsan tahay.

Laakiin haddii muwaadiniinta dalalka ku jira Midawga Yurub ay damcaan in ay wax ka bartaan ama ka shaqeeyaan waxay u baahan yihiin in ay ogolaansho dalbadaan.

Muwaadiniinta Yurub ayaa hadda xaq u leh in ay ku noolaadaan ama ka shaqaystaan UK iyaga oo aan cidna waydiisanaynin ogolaansho.

Dawladda Britain ayaa haddaba dal ku gal la’aan u ogol muwaadiniin 56 dal, kuwaas waxaa ka mid ah dalka Maraykanka iyo Maldives.

Dadka haysta baasaboorrada dalalkaas kontanka ka badan ayaa marka ay tagaan Britain baasaboorka loogu dhuftaa in ay soo galeen, iyaga oo sii joogi kara muddo lix billood ah.

Laakiin dadkaas looma ogola in ay ka shaqeeyaan Britain, wax ka bartaan, ama iska dagaan. In muwaadiniinta Midawga Yurub heshiis noocaas oo kale ah lala galana wax la yaableh ma aha marka Britain ay isaga baxdo midawga.

bandhige@gmail.com