Dadweynaha deegaanka Taallabuur, Conqor iyo Coodanle waxay taageero u muujiyeen Xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa

 

Xaflad ballaadhan oo dadweynaha deegaanka Conqor, Taallabuur Iyo Coodanle ee Gobolka Togdheer (Reer Dood) ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga KULMIYE, ayaa caawa lagu qabtay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Munaasibadani oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta wefti uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay socdaal ay ku marayeen Gobollada Sool iyo Sanaag oo la xidhiidhay wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland.

Waxgaradka iyo dhalinyadda beesha Reer Dood, ayaa ballanqaaday inay taageeradooda oo hiil iyo hooba leh la garab istaagayaan xisbiga KULMIYE oo ay weligoodba ka mid ahaayeen iyo Murrashaxiisa xilligan ee jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi sidii ay horeba u taageereen Madaxweynaha Somaliland ee waqtigan Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyarro iyo waxgarad kale, ayaa ka markhaati kacay taageeradii laxaadka lahayd ee beeshani ku lahayd xooggii iyo unkidii xisbiga KULMIYE iyo sida beeshu u tahay mid mar walba midaysan oo aanay ku jirin dadka guur-guura siyaasadda.

bandhige@gmail.com