Murrashaxa KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo waxa lagu soo dhaweeyey Deegaanka Xayira

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Xayira oo katirsan degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka kooban xildhibaanno, siyaasiyiin, cuqaal, siyaasiyiin iyo xubno kale oo hawlo shaqo ku joogay gobollada bariga Somaliland, ayaa waxa maanta socdaal ay kusoo mareen deegaanka Xayira goob magaalada ka baxsan kaga hortegay boqolaal katirsan shacabka deegaanka oo ay hormood u yihiin waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta, aqoonyahanka iyio dhallinyarada deegaanka, kuwaas oo iyaga oo lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE muujiyey sida ay u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE Iyo xukuumaddiisaba.

Xubno kamid ah haldoorka bulshada reer Xayira oo ay kamid yihiin xildhibaanno, siyaasiyiin, cuqaal iyo waxgarad kale oo madasha lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha KULMIYE iyo murrashaxisa ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay shacabka deegaankaasi si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, iyaga oo ku dheeraaday kaalinta lama illaawaanka ah ee ay reer Xayira kaga jiraan xisbiga KULMIYE iyo guulihiisaba.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo shacabka deegaanka Xayira khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa ku taxay tiro kamid ah shakhsiyaadka ku suntan taariikhda waxbarashada, ta halganka iyo midda Siyaasadda oo kasoo jeeda deegaanka Xayira, kuwaas oo Somaliland oo dhan laga yaqaanno, isaga oo shacabkana uga mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo.

bandhige@gmail.com