U dabbaal degga mawliidka Nebi Ciise: xaqiiqooyin sharci ah (WQ: Dr Abdulqani Hussein Badder)

U dabbaal degga mawliidka Nebi Ciise ! – xaqiiqooyin sharci ah.

1) Sida uu abuurka Nebi Aadam u ahaa mid gaar ah oo awoodda Alle muujinaya, ayay dhalashada Nebi Ciise u ahayd mid mucjiso ah oo gaar ah, haddana labadooduba waxa ay ahaayeen addoomo Alle oo aan mutaysan in la caabudo, sifo Ilaahnimana may lahayn ee makhluuq noloshooda Alle bilaabay isla markaana dhimasho ku xukuman ayay ahaayeen

(إِنَّ مَثَلَ عِيسَىٰ عِندَ اللَّهِ كَمَثَلِ آدَمَ ۖ خَلَقَهُ مِن تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُن فَيَكُونُ)

2) Sida aynnu u rumeysnahay Nebinnimada iyo Risaaladda Nebi Muxammed- Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- ayeynnu u rumeysnahay Nebi Ciise-CS- inuu yahay addoon ka mid ah addoomada Alle, ergeygii Alle iyo kelmaddiisii uu riximka Maryama ku tuuray, kana mid yahay shanta Nebi ee anbiyada Alle ugu fadliga badan.

3) Taariikhda dhalashada Nebi Ciise waa male awaal aan laysku raacsanayn si kama danbeys ahna loo hubin karin, isla markaasna u dabbaaldegidda dhalashadiisu ma aha diin Alle loogu dhowaan karo, caqiidada gaaladu ugu dabbaaldegaysaa waa dhalashadii ALLAHOODA, taasina waa gaalnimo qaawan oo foolxun.

4) Ka qayb gelidda xafladaha kiristaanka iyo u tahniyadeynta gaaladu way reebban tahay sharci ahaan, waana xaaraan iyo denbi weyn oo kabiira ah.

5) Qofna hawgu hambalyeynin gaalnimadiisa, inuu muslimnimo kuugu hambalyeeyey maalintii ciiddaada kuuma banneynayso in aad gaalnimadiisa ku bogaadiso, Imaam Ibnal Qayim Aljawzi waxa uu ku xusay kitaabkiisa “Ahlu dimma” “In qofka gaalada ugu tahniyadaynaya ciidda dhalashada Ciise uu yahay qof denbi weyn oo xaaraan ah ku dhacay, hadduuba ka baaqsado gaalnimo, sidaasna waxa yeela kuwa aanay diintu agtooda qiimaha ka lahayn”.

6) Gaalada hadyad waa laga qaadan karaa, laakiin waa in aanay hadyaddaas wax xaaraan ahi ku jirin, sida khamri, hilib loo gawracay weynaynta gaalnimada, sida hilibka maalinta ciidda oo kale, wakhtiyada caadiga ah gaalada wax waa loo hadyeyn karaa, laakiin ciidahooda diiniga ah waa macnuuc in loogu tahniyadeeyo waxna loogu hadyeeyo farxaddoodana lagala qayb galo.

7) Noqo qof muslim ah oo aan dhoohanayn, una feejignow islaamnimadaada, ka dhowrso waxyaalaha caqiidadaada dhaawacaya ee burinaya.

Fadlan share dheh qormadan, si ay u gaadho cid kasta oo aad uga baqayso inay masaladani hoos marto si aad denbigaas uga badbaadiso.

Allahayow tubta toosan iyo toobadda nagu toosi- Aamiin dhe.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder