Aniga Ra’yigayga, Diinta Waxa Ka Weyn Dowladda; Ummad Aan Dowlad Lahayn Diin Ma Ilaashan Karto Laakin Dad Aan Diin Lahayni Way Lahaan Karaan Dowlad!
Haddaan Si Kale U Dhigo, Waxan Ujeedaa, In Marka Hore Aanay Dunidan Jirin Awood Ka Weyn Awoodda Bani Aadamka (Rabbigii Abuuray Mooye) Laakin Iyaguna Sii Kala Awood Badan Yihiin Oo Waxa Ugu Weyn Waa Awoodda Dowladnimada. Sidaa Darteed, Dunidan Kama Soconeyso Diin Aan Ku Tiirsanayn Dowlad Awood Leh Oo Ilaalisa, Faafisa, Fulisa Sharcitadeeda, Iwm.
Markaa Halkaas Waxa Ka Cad In Diintu U Baahan Tahay Dowladnimada Oo Aanay Muddo Dheer Jiri Karin La’aanteed Laakin Way Jiri Karaan Dadyow Bilaa Diin Oo Samaystay Dowlad Xoog Leh Wayna Jiraysaa Dowlad Kastaa Ilaa Inta Ay Caddaalad Samaynayso Ama Intii Ilaahay Ugu Talogalay.
Waana Arrin Weligeed Dunida Ka Jirtay Oo Idinkuba Arki Kartaan ((Practical).
Raygal