Geesiyaddii Turkiga ee guusha gaadhay (WQ: Abdiaziz Ahmed Barrow)

Hadda waa Safiirka u jooga Jamhuuriyadda Turkiga Wadanka Malaysiya , waxaana lagu tirayaa haweeney  shaqo badan oo daacad u ah qarankeeda ,  Marwa Qaoukji gelitaankii siyaasadda waxey ka martay harjad adag, waxey usoo dulqaadatay dhega hadal iyo weji xumeyn badan, dhammaanna waxey uga dhacayeen iney jeceshahay asturnaanta jirkeeda . han kasta oo siyaasadeed oo ay leedahayna marna ma noqon qof waayuhu liiciyeen oo dhigta asturkeeda hu’ga iyo xijaabka. Laakiin waxey laheyd yool dheer iyo iney aaminsantahay nafteeda.

Marwa Qaoukji ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay kursi Baarlamaan oo ay usoo gashay dedaal sanadkii 1999-kii , nasiib-darrese waa laga raacdeeyay iney Xubnaha Golaha Mudanayaasha Wadanka Turkiga ay kamid noqoto,  sababta oo ah waxey diiday iney Xijaabka tuurto. Xilligaas Turkiga waxaa awood ku lahaa Mabda’ii Cilmaaniga oo ay ku shaqeyneysay dowladdii ra’iisul Wasaare Najm al-Din Erbakan. Cilmaaniyaddu ma ogoleyn in dumarka siyaasadda kamid noqonaya ay xijaabtaan.

Dhibka intaasi kuma e’ekeyn oo xitaa  waxaa lagala laabtay dhalashadeedii Muwaadinimmo ee Turkiga iyada iyo shan ka mid ah hoggaamiyayaashii Xisbigeeda, sababo la xiriiray  muujinta Mashaacirtii Islaamiga ahaa  oo ay lasoo banbaxeen.

Hadda waxey tusaale u tahay haween badan oo Siyaasadda Jamhuuriyadda Turkiga ku jira, oo xitaa qaarkood Wasiirro ah, waxey xirtaan Xijaabka, fikirkii Xilligaasi jirayna hadda awood kama laha Turkiga . Gabadhaan waxey sidoo kale tusaale u tahay haween badan oo leh han Siyaasadeed , kuwaas oo aan haddane ka tegin dhaqankooda Islaamiga ah.