Ubaxa, macasalameynta iyo natiijada imtixaanka (WQ:Cabdifataah M. Axmed)

Waxaa soo Dhow wakhtigii sannadka lagu dhawaaqi jirey natiijada imtixaanaadka shaahaadiga ah ee dugsiyada sarre iyo hoose.da,yartu waxa ay isku diyaarinayaan maqlida natiijo farxad leh,waaa ayaamo sannadkii culeys,walbahaaar iyo riyaaqid isku qasan ku haya ardeyda macasalameyneysa macallimintodii horre.

nidaamka  waxbarashadda somaliland wuxu noqdey mid dhibcaha iyo natiijadu kala weynaato wax kasta oo kale.nidaamka lagu bixiyo dhibcaha iyo natiijooyinka ayaana marar badan mixnad iyo madmadow baahsan meelaha qaarkood laga sheegaa.miisaanka iyo karaamadii imtixaanka ayaan calankeeda la dejiyey hoosna lo dhigey,waxaana si tartiib-tartiib ah ugu fidey nidaamkeena aragtidi aheyd ardeydu yaaney tahriibin ee dalka ha lagu hayo.Maggaca imtixaan weli Waxbarashaddeena wuu ku sii jiraa,hase ahaate berri horre ayaa nafta laga qaadey. 

Maanta ardeyda wakhtigan wax dhigganeysa in badan ayey ka nisiib badan yihiin ardeydii horre ee 15 sanno ka hor amma 20 sanno ka hor imtixaanada shahaadiga ah u fadhiisan jirtey.waayo kuwan mudnaantooda kowaad waa dhibcaha iyo natiijada,halka kuwii horre mudnaantoodu aheyd aqoonta,dedaalka,waayo aragnimada iyo u fahanka casharada si qoto dheer.Jaceylka wakhtigan  loo qabo dhibco sarre,waa mid aan waxba laga qaban karin.lod kastaana wuxuu rumeysan yahay in sannadkoodii ugu fiicnaa,imtixaankuna ugu adkaa.90 98.100 in aad maado kasto keento,tartan aan la isku naxeyn waxbana la iskula hadheyna aad gashana waa riyo inyar oo kooban ay xaqiijiso.Jaamacaddaha loo tartamayo,deeqaha mixnadaha badan ee waxbarashada takhasuska sarre dhaqaalaha badana ku baxo,ayaa ardey badan u horseeda khalkhal,murugo iyo culys nafsaani ah oo aan waxba laga qaban karin,taasi oo ku keenta in xitaa qaar baxsadaan,telefoonka xidhaan iskana qariyaan asxaabtii,ardeydii,macallimiintii iyo waalidkii culeyska badan ku hayey ee ku jeclaa dhibcaha badan.

inta badan september waa bisha natiijadu soo baxdo,natiijadaasi o ah mid khuseysa ardeyda ka gudbeysa imtixaanada shahaadiga ah,waalidiin iy ardey badan ayaa sugeysa maalinta shaacinta natiijada,waa macasalameyn,waa xaflado,waa farxad,waa ducooyin,munaasibado,ubaxyo iyo hadyado.luqad farxadeed oo qalbiga ayaa lagu wada hadli doonaa,ubaxaa qoorta la isku sudhi doonaa,waa maalinta la ilaawi doono guud ahaan dhib kasta oo la soo marey sannadahaasi soo dhammaadey,ardey iyo macallinba,bilaha soo socdana ay u digo rogan doonaan heerar sarre  waxbarasho cussub.wey xasuusan doonaan in badan fasalkoodii,qalqaalinimadii ay dugsiga la jogeen,fasaxyadii iyo imtixaankii dugsiga intaba, waxaaney aqoonsan doonaan in sannadahaasi badana ay yihiin kuwo u horseeday in ay hantiyaan waxbarasho sarre iyo shahaado intaba.waxa laga soo nabad gelyeyn doonaa dugsiyadoodii iyaga oo shucuurtoodu kacsan tahay,tahniyad iyo isku mahadnaq badan ubaxyo la isugu sheegay,ardey kastaana isaga oo ictiraafsan dugsiga ilmeynaya iyo macallinkiisa ayuu macasalameyn doonaa dugsiga.

ugu Danbeyntii Bulshadeenu waa in ay u soo noqotaa in ardeygeena lagu  qiimeyno waxa badan ee dugsiga uu ka soo helay kana dhaxley oo aan keliya dhibcaha iyo darajooyinka lagu qiiimeyn.Ardeyda wax baraneysaa isku awoodd maaha,isku dhaqaale maaha,isku dabaqad kuma jiraan,Wakhtigan casriga ah ee Tiknolojiyadada agabkeeda iyo khadka internetka wax lagu dhigganaayo in badan ayaan heysan oo aan helleyn fursadahaasi waxbarashada fududeynaaya.aan ku dhiirigelino in ay dhameeyeen sannadihii dugsiga,aan ku dhiirigelino in ay soo qaateen waxbarasho badan oo qofnimadooda wax badan  u tartey,tayo badan ayey leeyihiin ardeydeenu ka baxsan dhibcaha iyo natiijada u soo baxdey,guuleystayaasha iyo khasarayaashuba waa Ardeydeena.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com