Ujeeddadii casuumaddii wasiiradii hore (WQ: Aadan Deeq)

 

Faalooyin badan iyo dood aad u yar ayaa ka dhashay arintii inagu ugubka ahayd ee Wasiiradii hore Casuumad aay yidhahdeen Madaxweynihii hore ayaa fidiyay iyadoo afkiisa uu ku hadlaayay shaqsi yidhi anoo ku hadlaaaya afka Madaxweynaha, halkay ka ahayd madaxweynihii hore.

Arintaa iyada ah anigu shaqsiyan waxaan aragti ahaan u fahmey in Wasiiradaa hore horta inoo muujiyeen ka shacbiweyne ahaan ineey ahaayeen dad aad u aragti liita, lakiin Casuumadaasi ahayd Madfac aay iyagu isku dhufteena isna sii xabaaleen oo haba yaraatee saaxada siyaasada wax ugu hadhay aanay jirin amaba ka naawilaan.

Laakiin waxaa jirta in Casuumadaasi ahayd mid umada aay ku yool-baadhayeen bal sida bulshadu u qaada dhigto iyo in wax taageero ahi amaba kalgacayl ahi ugu laabanyay umada, iyadoo dhanka kalena aay filanaayeen in Xukumadan Cusub shaki ku abuuraan. Intii midna ma dhicin oo umadu waxay in badan ku ducaysanaysay “ilaahoow kuwan na dhaafi”.
Dhami baraha bulshadu isugu timaado ee Maqaaxiyaha laga Qaxweeyo marka aan soo koobo waxyabihii kasoo baxay waxay noqotay in Bulshadu aad ula yaabtay iyagoo soo qaatay hadal Goobta Wasiiradii iyagu is casuumay say ka yidhaahdeen oo ahaa ” aaynu isku xidhnaano, island war hayno” hadalkaas oo markaad eegto siyaabo badan loo turjuman karaayo oo hadii shakhsiyan aan hal tusaale ka bixiyo aay ku tusinayso in Wasiiradaasi hadalkaasi muujinaayo inaaney ahayn kuwo qaran Keena u shaqaynaayay lakiin ahayeen kuwo umadii aay ahayd inay u adeegaan ka hor-mariyay inay danahooda ka fushadaan kuna tasarufaan hantidii Cashuur Bixiyeyaasha. Arinta kulmisayna ahayd iyagoo waliba Taaga tabashooyin qabay aay u gudbinaayeen “indirectly” Filanaayayna in Badidooda Regime ka cusubi dib u soo celin doono oo Xilalkoodii sii hayn doonaan amaba dib in loo magacaabi doono siday u ololeeyeen awgeed kuna muujiyeen in wax lexejeclo ah aanay qarannimada Somaliland haba yaraatee kaba lahayn.

Hadaba Maxaa Kaga soo noqday Bulshada amaba Umada aan idhaahdee?

Horta waa mida koobaad ee ahayd filashada aay filanayeen Wasiiradaasi marka aan u eego sida Cabdo amaba dhaqan u ahayd Xukumadii hore kuna caan baxday in wasiiradu amaba Masuuliyiintii Xukumadii Siilaanyo inay isku Hirdiyi Jireen Shir jara’idyo aay ugu jawaabayaan cid aliyaale cidii wax ka sheets Xukumadoodii hore taaso aay ka filaayeen Xukumadan cusub ee Madaxweyne Mouse Biixi Cabdi Hogaaminaayo laakiinse aay ku Hungoobeen Cidina u Jawaan wayday.
Mida labaadna waxay ahayd in aay filaayeen in Bulshada Garowshiyo badan dhankooda aay ka heli doonaan taasoo jihayn lahayd amaba Hagi lahayd talaaabda danbe ee u xigi lahayd Casuumada aay iyagu is casuumeen Wasiiradii hore, laakiin iyana waa ku Hungoobeen oo umadu waxay ka daashay oo dishooday Musuq iyo Qabyaalad noloshooda aad u taabtay una saameeyay oo Bulshadu hada u baahantahay in laga Xakameeyo Musaqa iyo Qabyaalada oo aay helaan in Sharcigu Sareeyo una Shaqeeyo
Cadaalad loo siman-yahayna aay helaan taasoo baraha Social-media ha Dareen kooda ku muujiyeen in talaabadii Wasiiradii hore ee is Casuumay shays talaabo aad u fool-xun. Waana tii kaliftay in Ex-wasiir Cukuse shir jaraa’id qabtay ee yidhi, waxaan u sheegayaa dadkan baraha Social-media ha Casuumadayadii camal ka dhigtay In camal kale aay doontaan Casuumadayadu may ahayn mid wax laga soo dhex saaro ee Casuumadaha kale ayuunbay la mid ahayd. Bartaa iyada ah iyo shir jaraa’idyo danbe oo aay kala qabteen Wasiiro ka qayb qaatay Casuumadii ayaa ahayd mid bulshadu sababtay khalkhal badanna laga dheehanaayay hadaladii Wasiiradii is Casuumay.

Aden-Deeq