Israa’iil oo meel marisay sharci Falastiiniyiinta ka maanacaya in ay maamulaan qayb Quddus ka mid ah

Baarlamaanka xukuumadda Israa’iil ayaa meel marisay sharci u diidaya Quddus in la qayb-qaybiyo ama ay Falatiin qayb maamusho.

Sharcigan ayaa meesha ka saaray wada-xaajood kasta oo Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu ay Quddus ka gali lahaayeen.

Quddus waxay ka mid tahay qodobada ugu waaweyn ee ay isku diidan yihiin Israa’iil iyo Falastiin, iyadoo Falastiiniyiintu doonayaan in qaybta bari ee Quddus noqoto magaalo-madaxdooda halka Israa’iiliyiintuna rabaan Quddus oo isku dhan in ay noqoto magaalo-madaxda Israa’iil.

Iyadoo ay Israa’iil horey dary u kala dhex dhigtay Falastiiniyiinta ku nool Quddus ayaa xeerkan cusub la filayaa in uu baro kiciyo 100,000 oo Falastiiniyiin ah.

Falastiiniyiinta Quddus ku nool ayaan haysan sharci muwaadinimo, waxayse haystaan sharci-degenaansho oo markii la doono lagala noqon karo.

Ilaa hadda ku dhawaad 15,000 oo qof ayaa lagala noqday degenaanshaha Quddus tan iyo markii ay xukuumadda Yuhuuddu qabsatay Quddus Bari 1967kii.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com