Ururrada Cusub Miyaa la wada leeyahay mise Nin ayaa Mulkiile ka ah? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Hadal kama taagna inuu urur kasta ninka guddoomiye ka ahi uu mulkiile ka yahay marka la eego arrimaha soo socda:

  • Isaga ayuu ku dhacayaa dhammaan culayska dhaqaale ee ururku.
  • Wuxuu ganacastada beeshiisa ka soo ururiyaa dhammaan kharashaadka loo baahyan yahay, isaga oo u tusaya inay beeshoodu doorkan urur leedahay oo xisbi noqon doona.
  • Xubnaha ururka la aasaasay ma ogola inay lacagtooda ku bixiyaan kharashaadka faraha badan ee ururka ku baxaya.
  • Shirarka markuu ururku isugu yimaado, waxa la qaataan talo soo jeedinta guddoomiyaha bixinaya lacagta ku baxday hudheelka, xubnaha kale way soo camiraan uun.
  • Bilowga hore wuxuu isticmaalayaa waxoogaaga lacagta ah ee uu hore u haystay ama xalaal ha ku soo gasho ama xaaraan.
  • Guddoomiyeyaasha ururradu waxa ay maskaxda ku hayaan in beelihii ama shakhsiyaadkii hore isugu darsaday arrimo urur ama xisbi ay ku heshiin waayeen. Taasina waxa ay keentay wax isku darsigii yaraado, oo nin keliyi ururkii yeesho.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com