Uur-ku-taallo jacayl, qaybtii 1-aad (W.Q. Maxamed Xasan Daacad)

Sannado badan ayay is muuq-yaqaaneen, sammo iyo wanaag ayuu mid kastaaba ka kale ka malaysan jiray, manaanay jirin wax dhibaato ama dheg-xumo ah oo kala gaadhay intii ay dadkale iskaga soocnaayeen.

Taasi waxay keentay in uu mid kastaaba uu qedarin iyo wanaag u hayo ka kale, waxaanay dhabbaha u sii xaadhay in uu xidhiidhkoodu halkii hore kasoo dhawaado, lana noqdo sidii asxaab si dhaw isula socota, is-na xaal og, hawba kala badnaado labbada qofi’ye.

Wiilkii ayaa waxa ku beermay xiiso iyo boholyow baaxad leh, taas oo u qaaday inantan ay muddaba is-arag yaqaaneen, waxaana uu sameeyay taallaabooyin badan oo aan toos ah ahayn oo uu rabay in uu Gabadha ku dareensiiyo waxa soo kordhay iyo in ay si habsami ah u wada jaanqaadaan, lana gardaadiyo xidhiidhka cusub iyo jawiga kale ee la wadda galay, balse taasi may noqon mid uu ku guulaysto, kuna hanto qalbiga Inanta.

Tamar iyo talloba waxa uu iskugu geeyay ka war-haynta, ku-wel-welka, xaal-ogaanta iyo la-socodka nolol-maalmeedka caadiga ah ee Inanta, waxaanay taasi dhinaca kalena keentay kasii fogaansho dhinicii Inanta ah, waxaana la kala joogaa Cir iyo Dhul.

Waxa uu jecel yahay in uu ogaado waayaha nololeed ee inanta si uu ula qeyb-saddo farxad iyo murugo kolba waxii lasoo darsa. Nasiib-darro waxa arrimahaas oo dhan dabar ku noqotay Inantii oo aan iyadu jeclayn, isla-markaasna aanay u cuntamayn dhaq-dhaqaaqyadda ka muuqda wiilkan ay sheeko-wadaata ahaayeen, waxaanay si weyn u dareen-san tahay jacaylka dhabta ah ee uu u qabo iyo sidda uu markastaba iskaga xil-saarayo ka war-haynta nafteeda iyo qoyskeeda.

Waxay u arkaa shaqsi ku hawl-lan arrimo aanay hadda kala shaqayn karin, waxaanay ka dhego-adaygaysaa hadalo badan oo macaan oo uu kula hadlo, waxaanay ugu jawaabaysaa si ku liddi ah hab-hadalkiisa oo ay ku dheehan tahay debecsanaan iyo hadalo naxariisi ka muuqato, qalbigana si weyn u ruxaya.

Marka uu telafankeedda gacanta soo garaaco, waxa looga qabtaa si ay ka muuqato caajis-nimo iyo daal aan markii hore jirin, dhammaan ajandaha uu kala hadlayo waa la marin-habaabiyaa, waxaana lagu mashquuliyaa shaqooyin badan oo afka-baarkiisa ah oo ay u sheegto in ay gacanta ku hayso, waxaana dhacda inta badan in aan telafankaba aan laga qaban, isaga oo Call-lal aad u tiro badan usoo dira, balse waxaas oo dhan Inantu wey iska dhego-marisaa, waxaanay u aragtaa shaqsi ay ka hadhsan laadahay, isla-markaasna ay khaati billaahi ka taagan tahay.

Wiilku isaga laf-ahaantiisu uu dareen-san yahay sida ay arrimuhu u kala socdaan ee aanay ciyaartu iskugu-dubo-dhacsanayn sidii uu ku hamiyey, waxaaana uu rejaynayaa in ay wax-walba wakhtiga dhaw is-bedeli doonaan, isla-markaasna uu samirkeedda la haado, una dul-qaato hagar-daamooyinka iyo weedhaha qalbiga qaracminaya ee kaga imanaya shaqsi uu u arko in ay ka mid tahay dadka uu koonka dushiisaba ugu jecel yahay, uguna hadal-haynta badan yahay bulshadda dhex-deeda.
magaceedda iyo muuqeeduba wey uga duwan-yihiin dhammaan Bini’aadamka kale. Waxa uu aaminsan yahay in ay tahay Tuke baal-cad oo aanay dhici karin in uu iyadda oo kale helo inta uu nool-yahay ama uu kuba riyoodaba, waxaanay taasi wer-wer badan kusii abuurtay naftiisa, waxaana uu si weyn u aaminay haddii aanu si deg-deg ah u dhamayn hawshaas, isla-markaasna aanu ka gaadhin yoolkiisa ah in ay noqoto xaaskiisa mustaqbalka dhaw in ay rag kale oo ka xoolo iyo xeeladba badani ay heli doonaan, taasina ay saamayn taban ku yeelan doonto nolashiisa danbe, aanay suuragal tahay in aanu dib ugu hammiyin in uu dibnihiisa u furo gabadh danbe oo Soomaaliyeed, uuna jecelyahay in uu isaga oo kali ah lammaane nolasha ahna aan helin uu halkii loo badnaa iyo Aakhiro u caraabi doono.

Wakhtiga iyo waayaha ayaa si weyn u ciilaya, waa Arday iyo shaqaale-xirfadeed, waxaana uu ku hammiyaa in sannadaha soo fool leh haddii Eebbe laga helo uu gurri iyo qoys uu ku negaado, inta nolasha uga hadhayna uu la qaato uu yagleesho, waxaana hammigaas hor taagan darbiyo fara badan oo middiba ta kale ka daran tahay, kana adag tahay, isla-markaasna ay furdaaminteeddu suuragal-nimadda ka fog tahay.

Wax walba waxa kaga daran ciddii uu ku hammiyay ee uu habeenkii dhaca iyo maalintii soo baxda ajandiisa nolasha ku jirtay oo kasii jeedda, aanu garanayn goor ay soo jeedsan doonto. Marar badan ayuu ku tashaday inuu iskaga hadho jacaylka Inantan, balse taasi waxay noqotay hal-bacaad lagu lisay, waayo waxa ku banaanaysay goob aanay cid kale oo aan iyadda ahayni aanay dabooli karin.

Waxa uu si weyn u akhriyaa dhacdooyinka ku lammaan marxaladdan uu hadda dhex-muquuranaayo ee ay soo mareen dad-yawgii nolasha ugu horeeyay iyo sidday wax u maareeyeen, waxaana u soo baxaysa dhibaatooyin badan oo lasoo darsay oo ay qaarkood dhimasho gaadheen, waxaanay taasi ku keenta cabsi iyo baqasho dareenkiisa wax weyn kasii bedesha.
Lasocob qaybaha dambe haddii Eebe idmo………….
W.Q: Maxamed Xasan Daacad