Ciyaartii maanta ee Awdal iyo Maroodi-jeex oo naxdin iyo uur-ku-taalo ku dhaamaatey

Waxa ay ahayd ciyaar halis ah oo aad loo wada sugayey, xulka Awdal badis iyo barbaraba waa soo baxayey, halka xulka Maroodi-jeex ay u ahayd in ay badiyaan kaliya, maadaama labadii ciyaarood ee hore mid laga badiyey, ciyaartuna waxa ay ku bilaaban tay jawi qurux leh oo weerar iyo weerar celis ah.

Xulka Maroodi jeex oo naf bax ay ciyaartani ka hayd ayaa qaybtii hore ee ciyaartaba gool ku hor maray waxaanay qaybtaasi ku dhamaatay halkaas iyo eber, markii la isku soolaabtey qaybtii danbe ee ay socatay dhawr iyo toban daqiiqo ayey ciyaaryahan Maroodi jeex khalad ku galeen afaafka gool kooda halkaas oo garsoorihii iyo labadiisi calan wadeba isku raaceen in gool ku laad loo dhigo xulka Awdal.

xulka Maroodi-jeex taasi waa ka dagi wayday waxaanay diideen in lagu laado goolkooda iyaga oo dhammaan ku ururey goolkooda hortiisa, markii ay taageerayaasha Awdal qayliyeen ayaa ciidankii amniga waxa ay ugu jawaabeen waxa aan la filayn rasaas hubka dhexe iyo kana fududba ka dhaceysay, waxaanay u badaleen garoonkii goob dagaal oo kale, ilaa hada waxaa la hubaa in  hal qof ku dhintay saddex kalena ku dhaawacmeen.

Waxa dadku is waydiinayaan ayey tolow ciidanku ka aarsanayeen ama ay la dagaalamayeen miyaan meelaha noocan oo kale sida loola dhaqmo dadka  la barin, maanta runtii waa markii u horaysay ee la arko askar rasaas furaysa oo taliyayaashooduna joojiya ku kari la’yihiin.

Sidaas ayaa ciyaartii maanta isugu badashay argagax, geeri iyo dhaawac, isla goobtii waxa uu wasiir-ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyaraddu ku go’aamiyey in ciyaartaas xulka Awdal badiyey, ka dib markii xula Maroodi-jeex ku adkaystey in aan lagu laadeyn goolkooda rikoodho loo dhigay Awdal.

bandhige@gmail.com