Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May waxay u baahan yihiin Dab-demis: W/Q: (Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)

Waxaan ugu horeyn Tacsi u diraya Qoyska uu ka geeriyooday Wiil yar oo ku geeriyooday guri Dab qabsaday, kaas oo ku yaala xaafadda Half London ee degmadda Axmed Dhagax.

Xisbigga WADDANI waxa uu aad uga xun yahay in labadda Degmo ee Axmed Dhagax iyo 31 May aanay lahayn Xarumo Dab-demis oo marka Dab qabsaddo looga soo gurmaddo xaafaddaha Degmooyinkaas ku yaal.

Waxaan qabna in Xarun Dab-demis oo loo sameeyo labaddan Degmo aan awood loo waayin ee ay jirto Hagrasho iyo Dhayalsi, ay sababta ugu weyn ay leeyihiin masuuliyiinta ka soo jeeda degmooyinkaas ee ku jira Dawladda Hoose iyo Dawladda Dhexe, kuwaas oo aan waxtar u lahayn bulshaddii ay matalayeen oo ay danahooga gaarka ah way wataan.

Haddaba waxaanu suโ€™aal weydiinaynaa Dawladda Hoose Hargeysa, Xukuumadda Dhexe iyo Ciidanka Dab-demiska ee hagraday labadda degmo ee Axmed Dhagax iyo 31 May, waxaanu leenahay waa maxay sababta labaddan Degmo aan midkoodna u lahayn xarun Dab-demis, waana labadda Degmo ee kaliya ee caasimadda ku yaala oo aan lahayn xarun Dab-demis.

Si gaar ah tanni waxay ina tusaysaa sida aanay Dawladda Hoose Hargeysa macno ula lahayn dadka degan labadaa Degmo, ee ah cashuur bixiyaasha aanay ku baaqan cashuurtu.

Ugu dambeyntii, waxaa Xisbigga WADDANI uu soo jeedinaya in sida ugu dhakhsaha baddan in labada Degmo Xarun Dab-demis looga dhiso Xeradda Bir-jeex.

Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.