Waa diyaarad u socotay dalka Maraykanka

Dadka u badan ee saaran waa dad midab cad. Wax midab madow leh waxa saaran hal nin iyo wiil uu dhalay. Markii ay diyaaraddii muddo hawada ku jirtay ayey cilad farsamo ku timi. Waxa shaqeyn waayey mid ka mid ah mishiinada. Wuxu baylootkii soo jeediyey in ay lagama maarmaan tahay in la dhimo culayska diyaaradda.

Sidaa daraadeed, ugu horreyn, waxa la daadiyey wixii alaab diyaaradda saarnaa. Nasiibdarro, wax badan kama ay tarin dhibtii jirtay. Si inta badan loo badbaadiyo, Wuxu baylootkii soo jeediyey in hadda la tuuri doono qayb dadka ka mid ah.

Haddaba, si arrintani caddaalad ugu dhacdo, waxa dadka loo kala hormarinayaa qaab ku dhisan xaraf raac. Ugu horreyntii waxa la yeedhiyey xarafka A (wixii Afrikaan ah)? Ninkii ma hadlin! Haddana, waxa lagu xigsiiyey xarafka B (wixii black ah)? Haddana xarafka C (wax coloured ah)? Haddana xarafka D (wax dark ah)? Ninkii ma juuqin, afkiisa ayuu xidhay.

Wiilkiisii oo yaaban ayaa yidhi: aabbo, maxaynu nahay innagu?! Odeygi ayaa wiilkii ku yidhi: aabbo, meeshaada fadhi, innagu waxaynu nahay Zulu! 😁

 

Qore :Axmed-kayse Cali Rooble

Bandhige@gmail.com