Sooyaalka dhow ee dib-u-dhiska dawladnimada Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya (JFS) waa mid ay si fiican uga dharagsanyihiin dadka taariikhyahanka ahi. Sooyaalkani waa mid midabo badan, waana mid ay ku xeeran yihiin duuruufo badan oo leh khataro iyo fursadaba.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay la ildaran tahay arrimo badan oo amnigu ugu weynyahay; kaas oo salka ku haya midnimo laยดaanta iyo kala-qoqobka siyaasadeed ee dalka ka dhacay; kaas oo isna salka ku sii haya kala-tabashada bulsho ee markii horeba keentay in la rido hoggaankii iyo maamulkii hore ee dalka.ย Marka laga yimaado duruufahaa tirada badan ee aan soo sheegay, waxa iyana hadda ku soo biirtay oo golaha timi arrinta Soomaalilaan iyo Itoobiya oo ahayd arrintan labadii toddobaad ee u danbeeyey mashquulisay hoggaanka JFS.
Suยดaasha iswaydiinta mudan waxay tahay; sidan uu madaxweyne Xasan arrinta u waajahayo ma tahay sidii ugu saxsanayd?
Sida uu qabay siyaasigii weynaa ee reer Faransiis โKardinal Rijiiliyoโ, โdawladuhu adduunka kagama helaan magac iyo sumcad in ay qabtaan waxa saxda/xaqqa ah; kaliya waxa lagu abaalmariyaa in ay yihiin kuwo awood u leh in ay sameeyaan waxa lagama maarmaanka u ah.
Doonista Itoobiya ee baddu waa arrin muddo dheer soo jirtay; maalinbana heer taagnayd, ilaa hadda ay noqotay mid suurtagalnimadeedu u muuqato mid ka dhow sidii hore.
Loolan kasta oo dunida ka dhaca, cidda ku guulaysata waa cidda hadba sida ugu fiican uga faaยดidaysata fursadaha horyimaada iyo sida dhanka kale uu u dayaco fursadihiisa.
Itoobiya waxay u muuqataa mid si fiican arrintan ugu soo diyaar garawday, halka JFS ay u muuqato dhidar onkod kiciyey.
Haddii jug siyaasadeed dhacdo, waxa fiican in si habboon looga falceliyo oo aan la galin xaalad wareer ah oo keeni karta in la heli waayo tubta ugu fiican ee loo falcelin karo.
Marka la eego dhaqdhaqaaqyadii madaxweynaha iyo hadalada isdaba joogga ah ee ka imanaya isaga iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddiisa, badankooduna yihiin haddalo aan diblomaasi ahayn, waxa la odhan karaa madaxweyne Xasan wali muu helin tubtii saxda ahayd ee uu arrintan u maareyn lahaa.
Madaxweyne Xasan muxuu sameyn karaa?
1. Si xaaladda dawlad-dhis iyo dib-u-soo-kabasho ee JFS aanay uga sii darin, in uu si toos ah arrintan ugala xaajoodo dhigiisa Itoobiya, joojiyana dhaqdhaqaajinta dawladaha kale ee aan laga garanayn waxay arrintan ka tari karaan.
2. Si walaaltinimada Soomaaliyeed ee madaxweynuhu ku baaqayo loo xoojiyo, in uu Soomaalilaan u soo bandhigo wax la mid ah ama ku dhow waxay Itoobiya miiska keentay (counteroffer).
Marka arrintan si maangal ah oo caadifad ka madhan loo eego, iyada oo la ogyahay siyaasadaha dunida iyo sida ay u socdaan, laga warhayyo xaaladaha ay maanta dunidu ku jirto iyo duruufaha dawladda JF Soomaaliya ay la nooshahay, waxa madaxweyne Xasan horyaala labadan doorasho. Intaa wixii aan ahayn waa โallow daal ma korodhsaday.โ
Bandhige@gmail.com
Axmed-kayse Cali Rooble