“Waa in Baadhitaan Madax bannaan lagu sameeyaa Taliyeyaasha Sirdoonka iyo Booliska” W/Q:(Guuleed Dafac )

Daqiiqad kasta oo ay xilka sii hayaan taliyaha Booliiska iyo agaasimaha sirdoonka waxa ay ceeb iyo wejigabax ku tahay ballanqaadkii uu sameeyey madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro, waxayna xanuun ku tahay qoysaskii dadkii loo laayay, kuwii loo dhaawacay, kuwii loo xidhay iyo kuwii loo caddibay taageerada dimoqraadiyadda iyo madaxwaynenimada Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro.

Waa in labadooda iyo kuwii kale ee lugta ku lahaa lagu sameeyo baadhitaan madax-banaan oo ku saabsan dilkii, dhaawicii, jidh-dilkii, xadhigii sharcidaradad ahaa iyo tacaddiyadii kale ee ay gaysteen intii ay xilka hayeen.

 

Qore:Guled Dafac

Bandhige@gmail.com