Ugu horrayn waxa meesha ka muuqatay innay Somaliland gaadhay (Political Stable) oo macaneheedu yahay Deganaasho siyaasadeed ama Xasilooni siyaasadeed oo ah marka dalka xukunkisa si nabad ah loola kala wareego taasi waa furaha horumarka waxa uu madaxweynaha talada imika ka degaya ee M/muuse Biixi uu jeexay dariiq wanaagsan oo ku dayasho mudan Madaxweynaha talada ku guulaystay M/weyne C/raxman Maxamed C/laahi (Cirro) waa inuu sidaa si la mid ah u wareejiyaa xilligan xiligiisa.sidoo kale waxay u taallaa madaxweyne kasta oo yimaadda waa (system) aynu jeexannay.waxa kaloo mudan in doorashooyinku noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah.
Dhinaca kale Waxa isku soo gaadhay doorashadan 13nov 2024 Afar madaxweyne iyo afar M/ku xigeen oo nool oo kala ah;-
1- Daahir Rayaale kaahin
2- Axmed maxamed maxamuud
3- Muuse Biixi Cabdi
4- C/raxmaan maxamed C/laahi (Cirro)
5- C/raxmaan Aw Cali faarax
6- Axmed Yuusf Yaasiin
7- C/raxmaan ismaciil Saylici
8- Xassan Ciise Jaamac
M/wene Axmed maxamed Silanyo ayaa geeriyooday (AHN ) maalintii natiijada doorashada lagu dhawaaqay waxan kaloon caafimaad ilaahay uga baryayaa Xasan ciise jaamac oo hadda xanuun u jiifa.dhamaan madaxdaasi waa kuwo siday doonaan dalka dhexdiisa iyo dibadiisaba ugu nool marka arrimahan oo dhan la eego waa mucjiso oo aan ka dhicin dalal badan oo caalamka ah iyo Afrika inteeda kale midna..
Waxa imika haboon in dhaman dadkii ku qaybsamay doorashooyinka dhamaan in lala shaqeeyo dowladda cusub ee uu soo dhisi doona M/weyne C/raxmaan cirro waxa loo baahan yahay mucaaridadu noqoto mid wax dhista ee looma baahna mucaaridad wakhtiga umadda ka lumisa sidaas ayaa horumar lagu gaadhi karaa mustqbalka insha allah.
Rashiid Odowaa
Rashidsalan1982@mail.com
bandhige@gmail.com