Waxaa laynoo sheegaa in Filimka wanaagsani yahay midka dareemayaashaada iyo miyirkaaga la falgala ee saameeyaa, wuxuu marar badan ku hilmaansiinkaraa inaad qolkaaga fadhido, kolkaas baad jilayaasha, waqtiga iyo waayahooda ku milantaa. Waad la murugootaa, marna la faraxdaa, waad naxdaa markaas baa garaaca wadnahaagu kordhaa, neeftuurtaa, mar marka qaarna ilmadaa ku soo dhaafta. Mararka qaar aragti aad ka dhex heshay ayaa maskaxdaada carisa oo laga yaabaa inay isbedel la taaban karo kugu keento.
Filimaanta oo jid dheer u soo jibaaxay halka ay maanta marayaan, looma daawado madadaalo oo keliya, balse waxay kaalin weyn kaga jiraan ahaanshiyeheena, dhaqan keena, si arageena, dareenkeena iyo taariikhdeena. Guud ahaan waxaynu oran karnaa filimku maโaha oo keliya muraayad aynu jilayaal ka daawano, balse waa muraayad aynu inagu iska dhex daawano, yacni waa humaagga waqtiga iyo dunida aynu ku noolnahay. Filimka Dhagdhagaanyo waa muraayad aynu bulsho ahaan iska daawan karno, balse intaynaan filimka falanqayntiisa gudaha u gelin, aynu hordhac kooban u samayno.
Goobtu waa hoolka shirarka ee xarunta dhalinyarada Hiiraal ee magaalada Hargeysa. Goortu waa caways ee December 3deedii, 2024ka. Goobjoogayaal badan oo xiisaynayay inay filimka daawadaan ayaa madasha oo si fiican looga soo shaqeeyey soo buuxdhaafshey. Dhawr qof oo ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Madar, Cabdiraxman Yusuf Cartan, Sucaad Carmiye iyo aniga ayaa si gaar ah loogu martiqaaday inay wax ka dhahaan ama falanqeeyaan filimka daawashada ka dib. Afartayaduba weedhayadii iyo fikirkayagii wixii nagaga aadanaa ama noo muuqday meeshii ka sheegnay. Anigu intii aan goobtaas ka sheegay iyo wixii gadaal igu soo maaxday ayaan haddaba danaynayaa inaan maqaalkan idin kula wadaago wixii aan ka gaadho.
Dhagdhagaanyo oo ah kuray tuug xadhko goys ah oo aan waxba bixinayn ayuu filimku ku saabsanaa. Wuxuu ku bilaabmayaa isaga oo inta uu gabadh dariiqa maraysa ku soo dhowaado, shukaansi ku bilaabo ka dibna boorsada garabka u sudhan la cararaya, taw. Markale guri buu usoo dhacayaa oo wixii uu helo gacanta marinayaa, xataa dhar la maydhay oo xadhig lagu wadhay ayuu urursanayaa oo tuurta u ridanayaa. Markale Riyaha belediga ah ayuu xaafadaha ka ururiranayaa oo dhankaa iyo sayladda u tuuminayaa si uu u iibgeeyo. Dhagdhagaanyo wuxuu u dalacayaa tuug weyn oo intuu duluca islaamaha iyo boorsooyinka ka koro baabuurta ama gawaadhida xada, oo dhulka ama jagooyinka bannaan qaab tuuganimo ah ku iibiya, oo xataa Aabihii Dhaashane ayaa faraha kaga gubtay. Tuu keenaba tii kale ka darane wuxuu xil ka qabanayaa dawladda! Tolow dawladuna ma meel tuugta xilal laga siiyo baa?!! Si kastaba ha ahaatee, dhagdhagaanyo wuxuu buuxiyay shuruudaha laga rabo qofka reerka dawladda ku meteli kara, wixii la boobayo la booba, oo tolka wixiisa u soo dhiciya sida uu ku doodayo caaqilka reerku.
Filimkan oo ay maskaxdiisa ka soo maaxatay Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), Ma aha filim jacayl ah ama โactionโ ah sida ay u badanyihiin filimaanta sabanku. Wacyigelin ka dhan ah musuqmaasuqa ayuu filimku diiradda saarayaa, qadar aan ku qiyaasay 60 daqiiqo ayuu soconayaa. Abwaanku wuxuu filimka inoo soo dhexmarinayaa fariintiisa ah in aan masuuliyad qaran loo dhiibin cid aan aqoon, karti, iyo waayo-aragnimo ku filan lahayn. โHaddii ay dhacdo in qof aan astaamahaa lahayn xil loo dhiibo, waxaa ka dhalan kara cadaalad darro, dib u dhac bulsho, iyo hannaanka dawladnimo oo hano qaadi waayaโ ayuu Abwaanku madasha ka sheegay. Jilayaasha filimka oo badankoodu hore uga soo muuqday filimaantii hore ee abwaanku sameeyey, waxaa laga dareemayay inay horumar badan ka sameeyeen dhanka xirfadda jiliinka. Tusaale ahaan waxaa ka muuqatay kalsooni badan, luuqadda jidhka; sida muujinta dareemada wejiga, dhaqdhaqaaqa iyo joogsiga iyo inay eegmada tooska ah ka ilaalinayeen dhanka kamaradda. Kamaradiistaha qudhiisu wuxuu soo bandhigay inuu aqoon durugsan u leeyahay qaabka duubista aflaamta. Tusaale, muuqaal tayo sare leh, dadka suuqa maraya ee aan filimka wax ba khuseyn iyo kamaradda oo uu kala ilaaliyay, iyo in farsamooyin badan uu isticmaalay oo aan ka xusi karo sawirka jilaha ka danbeeya oo uu qariyay (blurred background) markasta oo aan loo baahnay.
Khaladaadka filimka laga dareemi karayay waxaa ka mid ah inay weli isku dhex milanyihiin jilitaanka ruwaayadda ee ahaa inaad hal goob (stage) jilitaanka ku samayso, halka filimku oo fursad kuu siinayo inaad sheekada la doonan karto deegaan kasta ee ay ka waramayso, tusaale ahaan, haddii ay sheekada ku jirto adiga oo buur dheer fananaya, filimka marka la jilayo waxaa khasab noqonaysa inaad buurtii tagto oo fanato. Sidaa darteed, ayay jilayaasha filimkan dhagdhagaanyo aad ku arkaysay marar badan iyaga oo u taagtaagan sidii oo ay stage taaganyihiin. Mararka qaar hadalkooda waxaa laga fahmayay inay ereyo meel ku qoran akhrinayaan, taas oo malaha aanay siin waqti ku filan oo ay ku xifdiyaan ama ku qaybaan.
Gebo gebadii Abwaanku wuxuu ku amaananyahay inuu sheekada filimka ka leexiyay halka ay badanka filimaanta soomaalidu mareen, fariinta uu filimka dhadhagaanyo xanbaarsanyahay ayaa Iyana miisaankeeda leh oo ah mid waqtigeeda ku soo beegantay. Jilayaasha iyo kamardiistaha dadaal badan baa ka muuqda, balse inagoo xisaabta ku darsanayna in masrixiyadda jilidda filimadu ay weli ku jirto marxaladda socod baradka, jid dheer baa ina sugaya.
Dhagdhagaanyo oo micnihiisu noqonayo โtuugโ waa ereyada Afsomaliga ah ee hadda isticmaalkoodu gabaabsiga yahay.
Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke)
Email: ducaale9@gmail.com
Hargeysa, Somaliland.
Bandhige@gmail.com