Xukuumada Cusub ee Somaliland oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Heshiiskii Ankara iyo Isfahankii Itoobiya

Hargeysa – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in heshiiskii Ankara ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay arrin aan khuseyn Somaliland, waxa kale oo ay xustay in is-fahamkii Somaliland iyo Itoobiya dib u eegis lagu samayn doono.

Afhayeenka Xisbiga Waddani, Maxamed Faraax Cabdi, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in heshiiska Ankara uu dhexmaray laba dal oo jaarka ah oo aanu saameyn ku lahayn Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa laba dal anagnuna waxan nahay Somaliland,”.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifka xukuumadda cusub ee ku aaddan heshiiskii is-faham ee horey u dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu xusay in xukuumaddiisu weli aanay arag isfahankaasi, balse marka ay qiimeeyaan la gaadhi doono go’aan ku saleysan danta Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Xukuumaddu hadda ayay talada la wareegtay, waana arki doonnaa, marka la derso haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteennu ku jirinna laga shaqeyn mayo,” .

Xukuumadda cusub ayaa ballanqaaday in dhammaan heshiisyada muhiimka ah dib loo eegi doono si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin danaha Somaliland iyo mustaqbalkeeda. Waxaa sidoo kale xukuumaddu diiradda saartay in ay mudnaanta siiso mashaariicda horumarinta iyo nabadeynta gobollada bariga.