Waa kuma doqonku? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

Waxaan is waydiiyay waa tan fariid isu wada qaadatay ee hadaba kumaa doqon ah. Bal aragtidayda aan isku dayo doqonku waa kuma waa laga yaabaa in ay dad badani iga aragti duwanaadaan.

Waxaan is odhan lahaa doqonku waa ninka aan cadowgiisa iyo nastiixiisa kala garan, waa ka rixim been ah loo sameeyo ee riximkiisa dhabta ah loo adeegsado, waa ka damiirkiisa iibsada, waa ka la amro in uu yeelo wax ay diintiisu diidan tahay, waa ka wax walba dantiisa ka horaysiiya, waa geed sara waabka,waa ka ku joogsiga iyo cayda kuwii ugu xigay sharaf ku raadiya, waa ka mooda marka ay laba wajiiluhu sacabka u tumo una qoslo in la wada taageersan yahay, waa ka isaga oo dhabarku muuqdo moodaaya in aan la arkayn,waa ka aan saaxiibku wuxuu yahay aqoon,waa ka xataa aan lagaga amaan helin meelaha cibaadada, waa ka aan aaminsanayn in bari lays xisaabinaayo, waa ka dameeri-dhaan-raacday ah ee cid walba iska dabagala, waa ka xooga sheegta ama hanjaba marka laga gar helo ee aan garwaaqsan.

Maalin ayaanu gaadhi saarnayn markaasaa kii basku hees saaray, waxaan idhi waar naga bakhtii, mid xoogwayn oo i agfadhiyey ayaa yidhi: “waar noo daa”, waxaan ugu jawaabay bal ka waran walaashaa oo heesaysa ma dhagaysan lahayd, intuu xanaaqay ayuu feedh soo duubtay, oday isku kaaya dhagaysanaayey ayaa yidhi: ha xanaaqin su’aal ayuu ku waydiiyay ee ka jawaab, waa ka toosa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee yidhaa manaa sidanba moodaayey.

Gabadh dhaqaalaha noo dhigi jirtay ayaa tidhi adduunyada laba qof ayaa silic ku noolaada, waa qof arkaaya dadku waxaanay arkayn, markaa dadku ay yidhaahdaan wuu waalan yahay, iyo qofka la liido oo garaadkiisu inta caadiga ah ka hooseeyo,

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com