Dhaqaale intee leeg ayay masuuliyiinta qurba joogga ah ee la magaacaabaa u diraan dibbaddaha? Doorka qurba joogga ee musuq maasuqa, tahriibka iyo qabyaaladda? Doorkii dhismaha iyo yagleelka qaranimadda Somaliland?
5.0. Taariikhda Qurbo-joogga Somaliland
Wixii ka horeeyay 1969-kii afgambigii lagu mijo xaabiyay dawladdii dimuquraadigga ahayd ee Soomaaliya, qurba-joogga reer Somaliland waxay ahaayeen bad-mareeno iyo ganacsato iskaga gooshi jirtay waddamadda Carabta iyo reer Gableedka. Xukunkii militariga ahaa ee Soomaaliya wuxuu sababay cabudhin iyo saluug siyaasadeed oo ay ka muujiyeen reer Soomaliland, kaas oo sababay in ay waddanka isagga baxaan aqoonyahan badan iyo siyaasiyiin badan oo naftooda u cabsaday, dagaaladdii iyo colaadihii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee hillaadihii 1977kii ilaa dagaaladdii 1980kii ilaa 1991kii ayaa wuxuu sababay in ay daaduumaan, qaxaan magansadaana waddamo shisheeye, tiraddii qaxootiga ahayd ee ugu badnayd abid.
5.1. Doorka dhaqaale iyo horumarineed ee qurba-joogga
Qurba-joogga Somaliland wuxuu door muhiima ugu jira dhaqaalaha iyo horumarka waddanka, waxay taakulo dhaqaale iyo mid nololeedba la garab taagnaayeen walaalahoodda ka soo kabanaya burburkii iyo colaadihii, door muhiima ayay ku lahaayeen yagleelka dawladnimo ee Somaliland, si hagar la’aana ayay u soo garab qabteen bulshadda ay asal ahaan ka soo jeedaan, 2012kii hoos u dhaca dhaqaale ee Somaliland wuxuu ahaa $496million, waxa kabay oo maalgaliyay hoos u dhacaas qurbo-joogga iyo deeqaha caalamiga ah. Qurbo-jooggu waxay qayb wayn ku leeyihiin shaqo-abuurka iyo abuuridda ganacsiyo kala duwan, waana lafdharta Somaliland.
Somaliland waa waddamada ugu hooseeya maaligalinta, waana waddan ka mida waddamada ugu saboolsan, uguna faqiirsan adduunka. Somaliland shaqo la’aan baahsan oo ka jirta iyo duruufo dhaqan dhaqaale oo adag ayaa waxay wax badan ka tara taakuladda qurbo-jooggu soo diraan (World bank: 2014).
5.2. Doorka qurba-joogga ee siyaasadda, musuq maasuq & qabyaaladda
5.2.1: Qurba-joogga Iyo Siyaasadda
Qurba-joogga Somaliland saamayn wayn ayay ku lahaayeen siyaasadda arrimaha dibedda, muddooyinkii hore, waxay xambaarteen masuuliyada wayn oo arrimo dibaddeed iyagoo goob walba iyo fagaara walba ka iib gayn jiray qaddiyada Somaliland, waxay samaysteen ururo iib geeya magaca iyo jiritaanka qaranimadda Somaliland.
Qurba-jooggu waxay door muuqda ku lahaayeen, halgankii, waxay taakulo dhaqaale iyo mid niyadeedba la barbar taagnaayeen ciidamaddii iyo shacabkii halganka ku jiray. Waxay dadaalo badan ku bixiyeen, hanaqaadka niddaamka dimuqraadiyaddeed ee Somaliland, iyagoo taageero dhaqaale siiya xisbiyada kala duwan ee qaranka. Waxay horseed u ahaayeen, isbadaladda siyaasadeed ee Somaliland ka dhaca, waxay abaabullaan xafladdo waawayn, sida maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-ka May oo ay ku muujiyaan dareenkoodda waddaniyaddeed, iyo in ay gudbiyaan fariimo toggan oo ku saabsan qarankeenan Somaliland lana wadaagaan waddamada ay ku nool yihiin.
5.2.2: Masuuliyiinta Qurba-Joogga Iyo caqabadaha la soo darsa
Inta badan masuuliyiinta la magaacaabaa, maaha qaar hoos xogogaal ugu ah, duruufaha waxbarasho, caafimaad, dhaqaale ama guud ahaan nololeed, ee ay ku sugan yihiin bulshadda ay xukumayaan, marka laga reebo, dul ka badawsigaa xaaladaha guud, masuuliyiinta qurba-joogga ah looma soo xullo aqoon ama xirfad ay u leeyihiin mansabyada loo magacaabayo oo laga waayey waddanka. Waddanka waxa buux dhaafiyay aqoonyahan jaamacadaha dalka gudahiisa iyo dibeddiisa ka soo qalin jabiyay, xirad iyo aqoon buuxdana u leh shaqooyinka, sidoo kalena xogogaal u ah, kagana haboonaa shaqooyinkan.
Masuuliyiintani carruurahoodda iyo reerahoogii waxay kaga yimaadeen qurbaha, waad aragtaa in ay yihiin dad soo shaqo tagay, oo ku soo dayacay masuuliyadii reerahoodda si ay ugu soo shaqeeyaan ama ugu soo xoogsadaan Somaliland, Haddaba su’aasha ugu wayni waxay tahay, Somaliland malagu bixiyaa mushahar fiican oo qurbaha looga soo yaaco? Ma tahay in iyadoo aqoonyahankii iyo khabiiraddii waddanku buuxaan in dibeddaha loogga yeedho qurba-joog? Ma yihiin masuuliyiinta qurba-jooga ahi kuwa leh xirafado aan waddanka oolin? Halkee lagu dayacay aqoonyahanka codeeyayaasha ahaa? Dhaqaalaha faraha baddan ee qurbaha loo diro halkee laga keenaa?
Waa waydiimo, ka dhex guuxaya maanka aqoonyahanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, Inta badan masuuliyiintani, oo ku jira xisbiyada mucaaridka iyo xukuumaduba, waa kuwa aan la duruuf ahayn shacabka, waxay higil iyo muramo siyaasadeed ka abuuraan waddanka, maaha cidda ay wax kaga lumayso, maaha masuuliyiin ubad/carruur iskuulo u tagaan oo fahmi kara baahida waxbarasho ee taala dalka, maaha kuwo ubadkooda lagu daaweeyo cisbitaalada dalka oo og baahida caafimaad ee shacabku qabo halka masuuliyiintan laftarkoodu ay u dawo doontaan qurbaha, maaha qaar fahmi kara ama ogaan kara, baahida ay dhallinyaradu u qabto goobo lagu ciyaaro iyo cadaadisyada nololeed ee guud ahaan ragaadiyay waddanka.
5.3: Mushaarooyinka Iyo habka loo sargooyay
Inta badan masuuliyiinta xukuumadda ku jira ee qurba-joogga ahi, waxa soo wajahda caqabbaddo dhaqaale, oo ay sabab u tahay, xaddiga mushaaraadka mansabyadda ay hayaan oo aad u hooseeya, sababtuna ay tahay dhaqaalaha yar ee waddanka oo aan awoodin in uu bixiyo mushaaraad badan.
Bal u fiirso, masuuliyiintani waxay ku jiraan inta badan guryo kiro ah, kharashaadka guriga, casuumadaha, qaadka iyo lacagaha shaxaadka loo bixiyo ee tiro beelka ah, waxa ka sii daran, lacagaha loo xawilo qurbaha iyo guryaha tartanka loogu jiro ka iibsigoodda waddamada dibedda, ganacsiyada kala duwan ee laga abuurayo waddamada shisheeye iyo saamiyadda laga iibsanayo shirkadaha waa lacag wadarayntoodu ay xisaab beel tahay.
Jaantus 1: – Mushaaraadka masuuliyiinta xilalka haya
S/N | MANSAB | MUSHAAR | Udhiganta | GUNO | U dhiganta |
1 | Wasiir | 8,100,000 SLSH | 1,052 USD | 6000,000 SLSH | 7,80 USD |
2 | Wasiir Ku xigeen | 8,100,000 SLSH | 1,052 USD | 6000,000 SLSH | 7,80 USD |
3 | Agaasime Guud | 8,47,000 SLSH | 1,10 USD | 6000,000 SLSH | 7,80 USD |
Isbarbardhiga lacagaha u qoondaysan mushaaraadkooda, iyo kharashaadka faraha badan ee ay galayaan masuuliyiintani, waxay markhaati cad u tahay, xadiga boobka hantida dadwaynaha, waad arkaysaa heerka musuq maasuqu gaadhay oo ah halkii ugu saraysay…………LASOCO…..
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Maxamed Cabdikariim “Maxamed-Maarshaal“
Doorka Qurbe-joogga Somaliland: Siyaasadda, dhaqaalaha, musuq-maasuqa
Maxamed-Maarshaal Cabdikariim wuxu si adag u naqdiyey Wasiir Xirsi iyo Somaliland Today
Faallo: Jahawareerka siyaasadda hoggaamineed ee xisbiga UCID
Ma laga yaabaa doorasho in ay dhacdo 2017-ka?
Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.3aad
Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.2aad
Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.1aad