Waa kuma George Weah? (WQ: Liibaan Awaleh Liibaan “LCL”)

 

George Weah inkasta oo aanu ahayn ciyaartoygii koowaad ee kubadda cagta kusoo dhex jirey ee noqda Madaxwanaha dalkiisa, marka laga yimaado “Rejab Dayib Ordogen oo hore u ahaa ciyaartoy kubada cagta kusoo dhexjiray muddo hore imikana ah Madaxwaynaha Turkey-ga. Hadana waxa laga baran karaa labadan nin taariikhdooda in qofku isku dhex wadi karo hobigiisa(waxa uu xiiseeyo)  iyo hiigsigiisa nolosha(Halka uu rabo inuu gaaro nolosha)
  ‘George Weah’ waa qofka December/2017 noqdey Madaxwaynaha dalka Liberia. Labba sababood ayaa igu kalifey in aan baadho kadibna aan idin la wadaago.
Mida koowaad oo ah dhalinyaradda Soomaliyeed ee ku dhex jirta guud ahaan ciyaaraha kala duwan gaar ahaan kubadda cagta oo inta baddan ay ku adkaato in ay sii wadaan muddo, meel sarena ka gaadhaan kubadda cagta iyaga oo dhanka kalena dadaalka nolosha ee waxbarasho wata taas oo qofku ku gaarayo hadafkiisa nolosha in ay taariikhdan kooban ka baraan karaan sidii labadaas amuurood ay isku waafajin lahaayeen.
Ta labaad oo ah aqoon guud oo ugu talogaley in dadka aan ciyaaraha ku dhex jirin ku bartaan,  Waa kuma Goerge Weah?
“George OPong Weah” waxa uu dhashay ‘October 1/1966.’Waxa uu ku dhashay magaladda “Clara, monrovia ee wadanka Liberia.
George aabihii wuxuu ahaa makaanig, hooyadiina waxa ay ahayd dadka suuqa wax ku iibiya.
Goerge weah waxa uu la dhashay sadex wiil oo la kala yidhaahdo; “William, Moses iyo Wolo”.
Sadexda wiil ee walalaha yihiin iyo isaga waxa soo gacanqabtay mocoydood kadib markii ay kala tageen waalidkoodu.
George waxa uu ku biirey “Dugsi dhexe oo muslimiintu leeyihiin halka Dugsiga sarena uu galay “Wells Hairstom High School” inkasta oo uu ma dhamaysan oo sanadkii u danbeeyay uu ku dhacay kadibna sidaas uu kaga baxay.
 Kadib ‘George Weah’ waxa uu bilaabay ciyaaristka kubadda cagta isaga oo 15 jir ah.
George weah waxa kubadda ka gaadhay heer loo tixgaliyo “Ciyaartoyga ugu khatarsan kubadda cagta africa ee xili walba.
1995; wuxuu ku guuleystay abaalmarinta ugu qaalisan kubadda cagta ee ay bixiso ‘Fifa’ ee loo yaqaan “Fifa World player of the year” isaga oo waqtigaas noqdey, ciyaaryoyga kaliya ee african ah re biladan ku guuleystay.
Sanadihii, 1989, 1994, 1995 waxa loo magacaabay ” African Footballer of the Year.
Markale taariikhda 1996 waxa loo magacaabay biladda, African Footballer of the century.
Goerge weah koox kala duwan hadii ay ahaadaan dalkiisa, kooxaha kale ee Yurub. Wuxuu u soo ciyaaray kooxaha magaca wayn ku leh Yurub sida: A C Milan, Monaco, Manchester city iyo chalsea iyo PSg iyo kooxo kale oo waawayn.
Geroge weah’ wuxuu kubadda ka fadhiistay isaga oo 37 jir ah.
Sanadkii 2005 waxa kasoo dhex muuqday oo uu ku milmay siyaasadda dalkiisa Liberia waxa uu aasaasay xisbiga “Congress for Democratic Change (CDC) isla sanadkaas 2005 waxa uu u tartamaya Madxwaynaha Liberia nasiib daro waa guulderaystay oo waxa tartankaas kaga guuleysatay Ellen johnson sirlead.
Weah sidaas siyaasadda kagama hadhin, 2011-2014 galaangal siyaasadeed oo is xig xiga oo uu soo dhex dhiiteeyay,
George Weah 2017 bisha December waxa uu ki guuleystay Madaxtinimada dalkiisa Liberia isaga oo kaguuleystay haweenayda caanka ee dalkaas soo hogaamisay muddo 12 sanno ah Mss Ellen Johnson.
WQ: liibaan Awaleh Liibaan (LCL)