Waa maxay Machana Police? (WQ: Rashiid Odowaa)

Police erayga macnihiisu wuxuu ka yimid kalmado la isu geeyay oo dhamantood tilmaamaya Edeb ,addeecid,sharci iyo kala danbayn,dadaal,dhiirranaan iyo joogtayn iwm.

Police wuxuu ka koobanyahay erayadan oo la soo gaabaiyay marka la isku daro ayay noqonayaan “polite+obedient+loyal+intelligent+courageous+efficient =police” si kale haddii loo dhigo waa hayadda ka hortagga iyo baadhista danbiyada,waxayna ilaalisaa kala danbaynta bulshada dhexdeeda.
Waxa jirta waddamada adduunka,sida xaaladooda nololeed iyo ilbaxnimo u kala duwantahay,ayay police koofuna u kala duwanyahay.shucuubtuna dabcan way kala duwanyihiin,oo qaarba ilbaxnimadoodu meel ayay gaadhsiisantahay.

Boolisku waxay u xilsaaranyihiin inay joogteyaan amniga,waxay ka hortagaan rabshadaha iyo qalalaasaha iyadoo lagu xisaabtamo xadka uu leeyahay rabshadda laga hortagayaa,waxa u xilsaaranyihiin inay soo qabtaan qof waran maxkamaded loo hayo haddii uu ku imanwaayo,dhinaca kale booliiska waxa laga rabaa inay ilaaliyaan dad banaanbax nabad ah samaynaya oo ay garab socdaan,waxa kaloo ay masuuliyad ka saarantahay qofka isagu is dilaya ama guri iska soo tuuraya.

Ma jiro meel ay ku taallo,caqlan wa sharcan in qofka police ka ah la dilo isaguna uu gacmaha ka laabto,ee wuxu xag u leeyahay habkii uu u maarayn karo inuu uga hor tago cidda weerar kala hortimaadda waxa qiyaas u bahan xoogga ka hor imanyaa,inta uu leegyahay.
Qofku waxa wanaagsan inuu ka doodo,wixii loo danbi ah ee loo haysto,ama uu ka dacwoodo wixii isaga ka maqan,maaha qofku inuu qaatto wax aanu lahayn ee waa inuu isagoo bilaa danbi ah ka baxaa albaabka uu doono maxkamadda horteda,haddiise uu isagu buuq samaysto oo ka horyimaaddo booliska ama cararo waxa laga yabaa inay dhibaato kale timaaddo.

Raadkii uu ka tagay xukunkii Siyaad barre ayaa wali dadka dhegahooda ka sii guuxaya,waxad maqlaysaa in badan iyagoo leh Siyaab barre ayaanu ka diidnay, waxase fahan u baahan wixii xukunkii siyaad barre lagaga hor yimid in barto muxuu ahaa? Ma qof la xidhay ayaa lagaga horyimi Siyaad barre?illayn dadku waa dadkii uun xukuumad macneheeduna waa xukuumad,taas ayaa is waydiin u baahan.
Qofka booliska ah sharcigu wuu qabtaa,waliba wuu u nugul yahay,marka qofka muwaadinka ahi uu sharciga u hoggaansanyahay,labada inuu adeecitanku ka yimaadda xagga muwaadinka weyaan,haddii qofka mawadinka ahi doorkiisa garan waayo oo uu lumiyo,oo uu xadgudbo,markaas ayaa waxa ka dhalanaya cawaaqib xumo.

Rashiid Odowaa M.A DIPLOMACY AND INTERNATIONAL RELATION
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213