Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye Oo Ku Heshiiyay Inay Doorashooyinku Qabsoomaan Sannadkan 2019

Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye Oo Ku Heshiiyay Inay Doorashooyinku Qabsoomaan Sannadkan 2019

Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay saddexda xisbi sidaa darareed labadooda oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya.

* Qodobada lagu heshiiyay waxa ka mid ah in guddidan doorashada ee hadda joogaa ay sii wadaan hawlaha ka horreeya doorashada, marka wakhtigoodu dhammaadana la soo magacaabo guddi doorasho oo 7 xubnood ka kooban.

Labada xisbi ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani in aanu diyaar u ahayn doorasho wakhtigeedii ku dhacda.

Xisbiga Waddani ayaa hore kalsoonida ugala noqday guddida doorashada ee hadda la sheegay in ay sii wadayaan hawlaha ka horreeya doorashada.

Hoos ka daawo muuqaalka