Hordhac:
Faytamiin-D waxa sameeya unugyada maqaarka iyagoo kaashanaya falaadhaha cadceeda. faytamiin-d gu waxa muhiim uu u yahay koritaanka iyo caafimaad qabka lafaha iyo muruqyada; difaaca jidhku inuu iska caabiyo xannuunada ayaa iyana u baahan faytamiin D si uu shaqo fiican u qabto. Faytamiin D waxa u baahan unugyada maskaxda iyo dareen wadayaasha waxaanu ka qayb qaataa dheeli tirka dareenada kasoo fula maankeena. Waxa xaqiiqo ah in faytamiin-D gu inaga caawiyo iska caabiga qulubka, nafsad darrada, isku buuqa iyo werwerka. Waa walax aan sinaba looga maarmi karin oo xudub u ah dhinacyo badan oo caafimaadkeena ah.
Daraasado lagu sameeyay Wadamada Iran, Saudi Arabia, iyo kuweit oo sadexduba ah wadamo muslim ah, dumarkoodu qaataan xijaab aad ugu dhow ka dumarkeenu qaataan, cadceeda ay helaana ay kaba kulushay ta wadankeena ka dhacda ayaa lagu ogaadhay in in kabadan boqolkiiba sideetan dumarku ay qabaan hoos u dhac wayn oo Vitamin-D ga ah.
Wadanka Saudi-ga oo dhowr daraasadood oo aad u balaadhan ay samaysay wasaarada caafimaadka iyo jaamacadaha dalku waxa lagu ogaadhay in 100% dumarka da’doodu ka hoosayso 40 jir ay hayso Vitamin-D yaraan heerkeedu khatar gelin karo caafimaadkooda. ugu yaraan labaatan daraasadood oo tobankii sano ee lasoo dhaafay laga sameeyay xaalada Faytamiin-D ga ee dalka sucuudiga ayaa isku raacay in dhammaan da’aha kala duwan ee dadka sucuudigu ay hayso hoos udhac Faytamiin-D, dumarku ha ugu sii liitaane. Wadanka Iiraan isagana xaalkiisu kama duwana tan bulshada Sucuudiga. Waxa cilmi-baadhis lagu sameeyay saamaynta faytamiin-D la’aantu ku leedahay caruurta da’doodu u dhaxaysao bil ilaa sanad, dumarka uurka leh, kuwa dhowaan umulay ee wali naas-nuujinaya, iyo hablaha da’doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 25 ee wali kujira marxaladihii kala duwanaa ee waxbarashada; dhamaantood waxay ka siman yihiin hoos u dhac werwer leh oo ku yimid Faytamiin-D.
Wadanka kuweit isaga waxa isugu biiray Faytamiin-D la’aan baahsan, buurnaan xad-dhaaf ah, xannuunada macaanka iyo dhiig-karka oo faro baas ku haya xattaa kuwii da’doodu yarayd; xaaladiisana waxay wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ku tilmaantay mid warwar leh. Hadaba waxa is waydiin leh maxa dumarka saddexdan waddan ku keenay hoosaynta Faytamiin-D ga iyagoo haysta cadceed aad u saraysa. Mushkiladan waxa wax looga tirinayaa dhowr arimmood oo ay ugu horayso dharka ay qaataan oo ah mid gebi ahaanba ka xidha falaadhaha cadceeda ee muhiimka u ah samaynta Faytamiin-D ga. Dharka xijaabka ee dumarku xidhaan ayaa ah sababta ugu wayn ee maqaarku u heli waayay xadigii falaadhaha cadceeda ee uu u baahnaa si uu u sameeyo Faytamiin D ku filan. Dumarka Somalidu waxay iyaguna qaataan dhar ka lakabyo badan, kana qaro adag dharka wadamadaas laga xidho. inkastoo aan wadanka gudihiisa cilmi-baadhis rasmi ah lagu samayn, hadana waxa la fiiro qaadan karaa xaalada caafimaad ee dumarkeena qurbaha. Faytamiin la’aantu aad ayay ugu baahsan tay dumarka Somaliyeed ee ku nool wadamada Yurub iyo waqooyiga ameerika.
Daraasado lagu sameeyay dadka qaxoontinimada ku yimid wadama Norway, Denmark, Germany, Finland, England, iyo Holland oo la sameeyay sanadihii u dhexeeyay 2009 iyo 2018 ayaa lagu ogaadhay in dadka Somalida, gaar ahaan dumarka iyo caruurtu, ay ahaayeen dadka ugu badan ee laga helay Faytamiin-D yaraan. waxa waliba intaasi u dheeraa waxay ahaaayeen dadka laga helay xadiga Faytamiin D-ga ugu hooseeya. Arintan waxa loo aaneeyay dharka dumarku xidhaan iyo midabka maqaarkeena oo u baahan cadceed aad u badan si uu u sameeyo Faytamiin-D. Arinta labaad ee wadamada Sacuudiga, Iiraan iyo Kuwayd ay wadaagaan waxa weeye iyagoo dumarku isticmaalaan dawooyinka maqaarka lagu cadeeyo. Dawooyinkan oo maqaarka khafiif ka dhiga kana qaada awoodii uu iskaga caabiyi lahaa falaadhaha cadceeda qaybta halista ah, ayaa sidoo kale waxay dhaawacaan dabaqada dubka (epidermis) ee inoo qaabilsan Faytamiin-D samaynta. Dumarkan is cadeeyay way ka dhuuntaan cadceeda mana xamili karaan falaadhaheeda, waxa suuro gal ah in ay nabaroba ku samaysmaan, taasina waxay ugu sii darsantay mushkiladii dharku keeneen.
Hadaba, arinta faytamiin-D yaraantu aad ayay ugu baahsan tahay dalkeena. waxa sida bulshooyinkaas aynu soo sheegnay inagu kulmay, dharka inoo dhaqanka ah oo caqabad ku ah in maqaarka dumarku sameeyo Faytamiin ku filan, iyo iyadoo in badan oo dumar da’yar ah ay isticmaalaan dawooyinka la isku cadeeyo. taas oo ku keentay in ay kaba dhuuntaan cadceeda. Midabka maariinka ee maqaarkeena ayaa isaguna ah mid aan si fudud u gudbin falaadhaha cadceeda oo u baahan cadceed xoog ah, iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxa inagu yar cuntooyinka laga helo faytamiin-D oo aan qayb ka ahayn cunto dhaqameedkeena. inkastoo aan wali la samayn daraasad ku saabsan mushkiladan, inta aan ka war qabo, hadana inta badan dumarka aanu shaybaadhada ka qaadno waxa kasoo baxda in Faytamiin-D goodu aad u hooseeyo.
Maxaa xal ah? waxaynu u baahanay in ugu horayn, Jaamacadaha iyo Wasaarada Caafimaadku iska kaashadaan daraasad balaadhan oo lagu ogaanayo inta mushkiladani le’egtay. Marka labaad waxa loo baahan yahay wacyi gelin ku aadan dumarka oo loogu sheegayo faa’iidooyinka faytamiinD u leeyahay caafimaadkooda iyo sida ay u kordhin karaan; oo ay ugu muhiimsan tahay in saacado cayiman usbuucii si fiican qofka dumarka ah isugu dhigto cadceeda iyadoo gurigeeda joogta; sidoo kale noocyada cuntooyinka laga helo Faytamiin D iyo habka ugu fiican ee loo diyaariyo si aan loo burburin Faytamiinadii cuntada ku jiray.
Waxa kale oo loo baahan yahay in la sii libin laabo wacyi-gelinta ku saabsan dawooyinka maqaarka lagu dhalan gediyo iyo halisaha ay ku keenaan dumarka. In lagu soo lagu soo rogo cashuur dheeraad ah, hadii aan la joojinba, iyo in dhaqan iyo diintaba loo adeegsado si looga muujiyo in dhalan roga jidhku yahay arin xad-gudub ku ah abuurta ilaahay iyo dhaqankeena fiican.
Waxa kale oo qofku iskii u yeeli karaa in uu hubiyo Faytamiin-D ga, gaar ahaan dumarka uurka leh, kuwa jaqsiinaya, iyo si joogto ah sanadkiiba mar. Iyo in cuntada joogto loogu daro kalluunada kala duwan gaar ahaan saliidooda.