Waa sidee xaaladda nololeed ee dadka ay matalaan Golaha Cusub ee Wakiilladu? (WQ: Mustafe Barkhad Dhimbiil)

Golihii  hore ee wakiilladu intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2010 waxay ahaayeen kuwo xin iyo ku xumee u taagnaa oo diidanaa in golaha fulintu tallaabo qaado. Xataa waxay hor istaagi jireen wixii horumar ah ee xukuumaddii UDUB fulinayso, ujeedaduna waxay ahayd in xukuumadda iyo shacabku is nacaan. Sababta ay isku baahaysteena  taas uun bay ahayd.
Taasna waxaa markhaati u noqday 2010-kii ilaa 2021 golihii wakiilladu waxay ahaayeen muxaafid madaxtooyada laga maamulo. Haddaba halkaas waxa ku dhabar jabay dhiiggana laga miirtay masaakiintii ay masuulliyadda u hayeen. Ganacsatadii waxay ka mid noqdeen deeq bixiyeyaasha( Donors). Waxaa meesha ka baxay bankiyadii dawladda, lacagtii shacabkana waxaa gacanta ku dhigay ganacsato.
Sidaas darteed ganacsatadii waxay dejiyeen habkii dadka loo dhiig miiran lahaa. Wixii ay soo dejinayeen ama adeegyadii ay bulshada siinayeen ba cirka geeyeen, tayo xumana way ugu dareen. Ganacsatadu waxay dhisteen guryo kiradiina way qaaliyeeyeen. Waxay sidoo kale lacagtoodii geliyeen dhul, waxayna ka dhigeen qaali , si qofku aanu kirada uga bixin oo uu guryahooda qaaliga ugu jiro!!.
 Haddii cashuurta 1% lagu daro waxay ku  kordhiyaan 5% ilaa 10% alaabta ay iibinayaan.  Xukuumaddii wax ka qaban lahaydna waa ba qalab u shaqeeya kooxda xoolaha haysata( State is an instrument of capitalism class).  Sidaas awgeed dadkii waxaa ku habsatay koronkor ma naxayaal ah. Markasta oo ganacsatu wax kordhiso shaahaa u yar oo qiimihiisu wuu kordhaa,  waayo kiradii baa qaaliyowday.
Haddaba golahan cusub ee shacabka wakiilka ka ahi  waa inuu arrimahaas oo dhan hoos u  eego.  Waa inay ka shaqeeyaan sidii dadka nolosha loogu jebin, si noloshu u fududaato.
 Xubnaha shalay shir gudoonka loo doortay badankoodu waa  qayb ka mida gacsatada. Sidaas darteed labo mid uun bay noqon doonaan:
1. Inay ka shaqeeyaan siday shacabkaas ugu gurman lahaayeen, ee u samayn lahaayeen xeerar nolosha sahlaya oo dadka u danaynaya iyo
2. Inay  garab u noqdaan ganacsatada oo ay mar kale rajada dadku god ku dhacdo.
Haddii ay dulmigii hore gacan siiyaan, ha ogaadaan in wacyiga dadku koray oo uu dhici karo gadood qaranimada galaafta iyaguna sharaf darro ka dhaxli doonaan.
W/Q: Mustafe Barkhad Dhimbiil
dhinbiil2014@gmail.com