Wacyi-Gelinta/Hanuuninta La siiyo Ardeyda ku soo biireysa Jaamacaddaha Sannadka Kowaad(Freshers Year)

Wacyi-Gelinta/Hanuuninta La siiyo Ardeyda ku soo biireysa Jaamacaddaha

Jaamacaddaha somaliland qaarkood ardey 2,000 (2K) ah ama ku dhow ayaa sannad waxbarasheedka (24/25) ka mid noqoneysa bahda ku soo biireysa
jaamacadda wax ka barata,kuwaasi oo soo marey imtixaanka aqbalaada ama hab
ka baxsan imtixaanka.Ardeyda heerka kowaad ee Degree-ga billaabaya ayaa
bishan december lagu soo dhaweyn doonnaa jaamacaddaha kala duwan ee ay ku
qanceen waxbarashaddooda guud ahaan Somaliland,waxaana ardeyda halkaasi
loogu sii diyaariyaa soo dhaweyn iyo qaabilaad xafladdeed ka horreysa inta aan
xiisasku u furmin.Maalintaasi billowga u ah socdaalka waxbarashadda Heer
jaamacaddeed ardeyda waxa loogu daah-furaa barnaamij la yidhaahdo
wacyi-gelinta/hanuuninta Ardeyga ku cusub jaamacadda.Wacyigelintaasi oo ah
mid taabaneysa meelo kala duwan sida Dhaqanka,xeerarka iyo maamulka
jaamacaddu ay gaarka u leedahay,kulliyadaha kalla duwan ee ardeydu ay wax ku
dhiggan doonto iyo guud ahaan tayada xafiiska maamula waxbarashadda
jaamacadda .

Wacyi-gelintu iyada oo ah mid si joogto ah ardeyga ugu socota haddana laba
Jeerba Khudbadaha ardeyda la siiyaa waxa ay qeyb ka noqdaan saameynta
taariikhdooda waxbarasho inta ay jaamacadda ku jiraan,kuwaasi oo kala ah mida
soo dhaweynta iyo hannunta Billowga ah ama daah-furka iyo Mida Qallin-jebinta
ama sagootiska.Ugu horreyn Ardeyga waxa lagu boggaadiya sharaxaadna
laga siiya sida wanaagsan ee ay imtixaankii aqbaalada ugu soo baxeen iyo in
ay helleen fursad waxbarasho jaamacaddeed iyo kulliyado qiimo leh
kuwaasi oo intaba loogu sheego fursad dahabi ah oo mustaqbalkooda in badan
ay ku faani doonaan.

Khudbada Guddoomiyaha ee Xafladda soo Dhaweynta Ardeyda

Guud ahaan Dhammaantiin waxaan idinku salaamaya salaanta Islaamka
SCWW,Salaan ka dib waxaan idinku soo dhaweynayaa Xafladda hanuuninta iyto
wacyi-gelinta ardeyda ku soo biirtey jaamacadda sanadka 24/25.Mar kale waxaan
ku faraxsanahay in jaamacaddu ay diyaarineysay oo ay sugeysay maalinta oo
kale.Dhanka Kale Badi ardeydii isdiiwaangelisey Jaamacaddu waa kuwo
imtixaankii ku soo gudbey,tiradiina guud waxa ay aheyd……waxana soo baxey……
Waan Dareensanahay in ardey badan ay isku buuq iyo wel-wel ka qabaan sida ay
ku noqon doonto waxbarashadda jaamacaddu,waxaanse u rajeynayaa in ay heli
doonnaan saaxiibo badan oo ardey ah,macallimiin iyo guud ahaan shaqaalle
weynaha jaamacaddda oo ku soo dhaweyn doonna deegaan iyo jawi waxbarasho
oo dhammeystiran.

Ardey badan dareen wel-wel iyo farxad isugu jira ayaa
shucuurtooda ka muuqata,inkasta oo aad ka fekireysaan sida ay noqonaya
sannadaha idinku soo socda haddana in aad diyaar tihiin ayaan idinka arkayaa.
Soo Dhaweyntan oo ah mid idin socon doonta iyada oo qeybo kala duwan leh
toddobaadkaba waxa aanu u kala saarney Midda horre oo ah mid aad guud
ahaantiii halkan isugu timmadeen oo idin furmeysa saacada ….. iyo mid gaar ah oo
kulliyaduhu ay si gaar ah idinku sameyn doonaan,Wakhtiyada kala
ah……,………Wixii weydiimo iyo cabasha ahna waxa ka shaqeyn doona kulliyadaha
aad sida gaar,gaarka ah u tageysaan.Kulliyadaha jaamacaddu waxa ay idinkala
shaqeyn doonnaan in ardeydu ay arkaan guud ahaan qeybaha kala duwan ee
jaamacadda, iyo xafiisadkaba kuwaasi oo tallada idiin badin doonna,manhajka
billowga koorasyada waxbarashaddana idin soo gaadh siin doona.
Guud ahaan mar kale iyada oo aanu isku duubanahaya ardeyda hore,macallimiinta
iyo shaqaallahaba ku soo dhawaada bahda jaamacadda…………

Waxaan u sheegi lahaa ardeyda in waxbarashadu aaney aheyn nolol,laakin
noloshuba ay tahay waxbarasho,waayo saldhiga asasaska iyo furaha u ah
noloshaba guud ahaan waa waxbarashadda ,ayna haboon tahay in ardeygu
fursaddaha hortiisa yaalla uga faa,ideysto sida ugu haboon.aan u sheego Mar kale
in ardeydeygeenu dedaalka,daacadnimada iyo dhinaca wanaagsan oo had iyo
jeer in ardeygu wax ka eego.isla markaasina is-bar-bardhiga khaldan ee
ardeynimo ay ku dhaawaceyso iskana illaaliyaan.Waa in had iyo jeer ardeygeenu
shucuurtiisa dejiyo,naftisa xakameeyo,anshaxiisa iyo akhlaaqdiisana kor u qaado.
Qalabka iyo hantida jaamacadda guud ahaan sida fasallada,qalabka
Tiknolojiyadeed iwm ardeygeenu ha illaaliyo inta uu jaamacadda joogo.waxyabaha
guusha lagu gaadho ayey ka mid tahay in ardeydu sida ugu wanaagsan uga
fa,ideystaan guud ahaan qalabada jaamacaddu u diyaarisey.hantida qaarkood ma
waarto ,halka aqoontu ay u tahay hanti cimri dheer oo qofka in badan u
waarta.Waana in ardeygu iska dhiso guud ahaan qeybaha uu aqoonta ka rabo si
shakhsiyadiisu ay u noqoto mid horumarsan sidad luqadaha iyo xirfaddaha
wakhtigan casriga ah.

Ardeygeenu waa in uu si mug iyo miisaan leh wakhtigiisa u maareeya,Jaamacaddu
4/3 sanno ayey u socon doonta,Waana in aad kala ogaataan waxa idin
anfacaya iyo waxa wakhtiga idinka luminaya,sida isticmaalka tiknolojiyada sida
mobile-ka oo ardeyda ka rida wakhti faro badan iyo social media-ha oo xoog aad
u qabatintaan si khaldana u isticmaashaan.ardeydu waa in ay yihiin kuwo baahi
badan u qaba in ay hellaan waxbarasho cusub,ardey walba kulliyadu doortey waxa
yaalla fursaddo badan oo kala duwan,kulliyad kastaana waa mid leh fursad
mustaqbalkaaga qurxineysa,dedaal badan iyo akhris badan ayaase la idinka rabaa.
Marna ma dhici doonto in aan ardeyda u sheego war aan xaqiiqo aheyn oo ka jira
guudaha jaamacaddeena,Waayo waxaan aaminsanahay in xogta iyo guud ahaan
macluumaadka jaamacadda ay horre u oggoyeen kuna soo qanceen.Ma jiri
doonaan ballan-qaadyo been ah dhan kasta waxa ardeygu dhan kasta arki doona
waxbarasho tayo leh.

Waddankiinu idinka ayuu idin sugayaa,waa in Ardey walba u diyaar garoobo
sidii uu dalkiisa wax ugu soo kordhin lahaa ee aanu u noqon laheyn qof dulsaar ku
ah dadka.Jaceylka wadaniyada dalkiina,diinta iyo bulshaddaba waa in aad
horumarkooda ka shaqeysaan.

Macallimiinta Jaamacadda idinku sugayaa waxa ay deedaalka naf-hurida ah u
sameynaya in ay ardeydaasi i hor fadhida soo saaran mustaqbalna u yeellaan.in ay
wakhti badan ku qaataan diyaarinta casharadiina iyo horumarinta
manhajkaba.macallimntina ixtiraama,macallimiin jaamacaddu ay hubto tacab
badana ay gelisey weeyaan.wakhtiga ilaalliya,dhugna u yeesha waxa la idin
sheegaayo,sannadaha aad joogtaan jaamacaddu ha noqdaan mid taariikh
wanaagsan idin reebta.

Deegaan nabdoon oo ammaankiisu sugan yahay ayaanan idinku soo
dhaweynayaa.Ammaanka Jaamacadda xil weyn ayaanu iska saarna,waxaana dhici
doonta in aan ardeyna waxba ku dhex gaadhin sannadahaasi.

xeerarka jaamacadda u yaalla uma dulqaataan qof kasta oo akhlaaqad darro
xarunta waxbarashada dhexdeeda ka sameeya,sida awgeed ardeyda rabshadaha
iyo kooxeysiga la yimmaada fasalladda waa lala socon doona haddana sii
oggaada,fadlana ka baaqso.

Guud ahaantii Nabadgelyo korkiina ha ahaato.Sannad dugsiyeedku wuu inoo Furan
yahay,Ardeyguna badweynta aqoonta wuu dabbaallan doonnaa.

Allah Mahad leh

Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com