Waxa ay u baahan tahay wasaarad gaashaandhig oo awood leh oo maamusha ciidanka. Waxa ay u baahan tahay musuqmaasuqa ciidanka dhexdiisa ka jira – saraakiisha tujaarta ah iyo dablaha gaajaysan- oo lala dagaallamo.
Waxa ay u baahan tahay taliye booliis oo aan gelin madaxtooyada oo aan u dhaqmin sida bodyguard-ka madaxwaynaha. Waxa ay u baahan tahay Xeerka Booliiska oo wax ka bedel lagu sameeyo 30-ka maalmood ee u horeeya.
Waxa ay u baahan tahay agaasime sirdoon oo miyir qaba, kuna shaqeeya Xeerka Hayโadda Sirdoonka Qaranka.
Uma baahna sirdoon ciidan ah oo derejo leh, sirdoon leexsan oo dibjirta qorta, iyo sirdoon ku mashquulsan yaa xantay madaxwaynaha. Waaba halbeeg hooseeye balse waa dani keentay marka aynu leenahay agaasime miyir qaba.
Garyaqaan Guled Dafac .
Bandhige@gmail.com