5๏ธโฃSiyaasadda Caddaaladda Heer Qaran
(National Justice Framework)
Mudane Masaxweyne, marka caddaalad laga hadlaayo waxa maankeena ku soo dhaca garsoor (maxkamaddo ama xeer-ilaalin), boolis amma Xabsi, balse caddaaladdu way ka gudo iyo sal ballaadhan tahay, waxa aanay taabanaysa nolosha Aadamaha oo dhan- adeegyadda dawladda iyo macaamilka muwaadiniinta.
Haddii aan yara dul-istaago guud ahaan caddaaladda qaybaheeda kala duwan ee loo baahan yahay sugidooda, waxa jira noocyo kala duwan oo caddaaladda ah, mid kastaa wuxuu leeyahay mabaadi’diisa iyo habraacyadiisa, siyaasad iyo nidaamyo u gaar ah oo lagu horumariyo:
๐1. Caddaaladda Qaybinta amma Wadaaga Khayraadka (Distributive Justice): Tani waxay diiradda saartaa in muwaadiniintu ibsinadaan oo si caddaalad ah loogu qaybiyo kheyraadka, dheefaha, iyo culeyska bulshada dhexdeeda oo macnaheedu yahay in aan degaannada qaarna barwaaqo gaadhin, qaarna sagxadda joogin. Waana mid ka kuuqata Somaliland in ay hirgelinteedu ka yar tahay, taasina waa ta keenta tabashooyinka xad-dhaafka ah ee shacabka ka soo yeedha.
๐2. Cadaalada Habraaca Sharci (Procedural Justice): Tani waxay xooga saaraysaa sida goโaannada dawliga (xukuumad) ka soo baxaa u sameeyaan shacabka iyo wali ba sida xal-looga gaadho khilafaadka-tusaale ahaan garsoorku sida uu cadaalada i sugo. Waxa ay taabataa oo kale in qof kasta oo muwaadin ah la ixtiraamo tabashadiisa, loona raaco xeerarka. Sida ka muuqatana waa arrin ka jira Somaliland iyo Afrika ba in xuquuqda muwaadinku aanay ahmiyad badan lahayn. Waxa aanan talo ku soo jeedin lahaa in dib-u-habayn ballaadhan oo sharciga ah la sameeyo, kuwaasoo horseed u noqda wax ka qabashada xaalada iyo baโada bahda caddaaladu ku shagayso. Tusaale, ahaan Xeerka Ciqaabta Guud waxa la sameeyey 1931-kii oo wali ba Faashiistihii Talyaaniha ee Beniito Musalini u samaystay cabudhinta dadkiisa, Xeerka Habka Ciqaabta oo kan aasaas u ahna waxa gumaystihii Ingiriisku 1884 u samaystay Hindiya, kaaso la odhan jiray (Indian Evidence Law), Xeerka Madaniga waxa aan ka soo maanguurinay dalka Masar 1948, halka Xeerka Habka Madaniga oo kaas bud-dhig u ahna 1880-aadkii lagu dhaqi jiray dalka Hindiya lana odhan jiray Xeerka Hantida (Indian Property Law). Inkastoo xeerarkaas iyo kuwa la mid ah ba dib u habayntooda la isku dayey, haddana wali lama gaadhin, taasina waa xaaladda u yar ee bahda caddaaladda haysata, mid maaliyadeed, aqooneed iyo madaxbannani ba way raacaan.
๐3. Caddaaladda Ciqaabista Dambiilaha (Retributive Justice): Caddaaladan waa ta badbaadada u ah shacabka, waayo, waa ta lagu ciqaabo dambiilaha. Ujeeddada nidaamkan waa in buslhada badbaadadeeda lagu sugo oo laga qabto dambiilaha, isagoo wali ba aan ciqaab uun la saarayn ee dhaqan-celin iyo dib u bulshayn lagu samaynaayo.
Mudane Madaxweyne, xukuumadihii kaa horreeyey ahmiyad ma ay saarin nidaamkan, gaar ahaan Xabsiyadda oo caqabad badan oo dhaqaale u horreeyo ayaa xakameya waxbarista maxbuuska, si haddaba dambiyadu u yaradaan waa in xabsiyadda siyaasadda dhaqan-celinta oo ay ku jiraan Xabsi-k-leexin (Probation sustem) iyo sii-daynta shuruudaysan (Parole System) aad ka yeelato si buux-dhaafka iyo dib u gelista dambiyada (Recividism) yareeyo.
๐4. Cadaalada Cawl-celinta (Restorative Justice): Habkan waxa uu la shaqeeya nidaamka horre ee ciqaabta, waana nidaam caddaaladeed oo cawl-celin lagu siinaayo dhibanaha, dambilaha, isla markaana xidhiidhka bulshada lagu hagaajinaayo. Tusaale ahaan, haddiii dambiilaha dhaqan-celin iyo wax barasho lagu siiyo xabsiga, waxa uu bulshada ku soo noqonayaa isagoo xirfadle ah oo shaqaysan kara. Hayโadaha dawliga ahna waxa ku waajib ah sii diyaarinta sidii uu bulshada ula qabsan lahaa hadday tahay ku xidhista suuqa shaqada iyo la socodka hab-dhaqanka maxbuuska si loo hubiyo inuu waantoobay.
Nidaamkaas, waa mid u baahan in siyaasad ballaadhan oo heer qaran ah laga yeesho.
๐5. Caddaaladda Bulshada (Social Justice):Tani waa fikrad ballaadhan oo koobaysa dhammaan dhinacyada caddaaladda, oo ay ku jiraan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Waxay ujeedadeedu tahay in la abuuro bulsho miwaadiniinteedu u silan yihiin fursadaha jira oon cidna kooto loogu xidhin ilaha dhaqaalaha amma adeeg amma suuq. Haddii caddaaladda bulshada la sugana waxa sugmaaya caddaalad oo dhan, wax siyaasad ah oo inooga yaaliina ma jirto ee ha la ogaado.
โก๏ธMeelaha u Baahan Wax-ka-qabashada
Nidaamka siyaasadda cadaaladda qaranku waa qoofalo dhammaystiran oo sida silsilada isugu xidhan, haddii midi danacdana kuwa kale furmayaan. Waxay ka kooban yihiin dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka sharci-dejinta, hababka garsoorka, hababka fulinta sharciga, iyo hababka sixitaanka. Siyaasadahan waxay ujeedadoodu tahay in la xaqiijiyo maamulka cadaalada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta nidaamka bulshada.
๐๐ปQodobbada Muhiimka ah ee nidaamka Siyaasadda Cadaaladda Qaranka wax lagaga qaban karo-
* Helitaanka Cadaaladda:
* Xaqiijinta in si siman ay u helaan adeegyada sharciga ee dhammaan muwaadiniinta, iyadoon loo eegin xaaladdooda dhaqan-dhaqaale.
* Fududeynta hababka sharciga ah iyo yaraynta caqabadaha xafiiska.
* Bixinta kaalmo sharci dadka nugul.
* Horumarinta hababka kale ee xallinta khilaafaadka.
* Sharciga:
* Ilaalinta sareynta sharciga iyo dammaanad qaadka ku dhaqankiisa dhexdhexaadnimo.
* Xoojinta Madaxbanaanida Garsoorka.
* Horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka nidaamka cadaaladda.
* La-dagaalanka musuqmaasuqa iyo xaqiijinta daacadnimada hayโadaha sharciga.
* Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha:
* Ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda nolosha, xorriyadda, iyo amniga qofka.
* Kahortagga xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo xaqiijinta dawooyin wax ku ool ah dhibanayaasha.
* Kor u qaadida tijaabooyin cadaalad ah iyo nidaamka cadaalada.
* Ilaalinta xuquuqda kooxaha la haybsooco, sida haweenka, carruurta, iyo dadka laga tirada badan yahay.
* Kahortagga iyo Xakamaynta Dembiyada:
* Hirgelinta nidaam wax ku ool ah oo ka hortagga dembiyada, sida booliska bulshada iyo barnaamijyada bulshada.
* Xoojinta awoodda fulinta sharciga iyo hagaajinta xeeladaha baadhitaanada.
* Horumarinta dhaqancelinta iyo barnaamijyada dib u bulshaynta dembiilayaasha.
* Wax ka qabashada asbaabaha aasaasiga ah ee keena dembiyada, sida saboolnimada, sinnaan la’aanta, iyo takoorka bulshada.
* Dib u habeynta Garsoorka:
* Casriyeynta qaab-dhismeedka sharciga iyo casriyeynta shuruucda.
* Hagaajinta nidaamka garsoorka iyo yaraynta dib u dhaca kiisaska.
* Horumarinta hufnaanta iyo waxtarka maxkamadaha.
* Kobcinta tababarada garsoorka iyo tayayntooda
* Dib u habeynta Xabsiyada
* ilaalinta iyo sugida xuquuqaha aasaasiga ah ee maxbuuska
* Horumarinta nidaamka dhaqancelinta maxaabiista iyo barnaamijyada dib u bulshayntooda.
* Yaraynta cidhiidha xabsiyadda ee ay keenaan dalbiyada sii badana iyo sugida xuquuqda Ciidanka Asluubta.
โก๏ธDabaradda xakamayn kara ee u baahan in qorshe laga yeesho:
1. Dhammaan dedaaladaas waxa caqabad weyn ku noqon kara miisaaniyadda bahda caddaaladda oo xadidan:
2. Musuqmaasuqa iyo Faragelinta Siyaasadeed: Musuqmaasuqa iyo faragelinta siyaasadeed waxay wiiqi kartaa sareynta sharciga iyo madax banaanida garsoorka.
3. Aqoonta: Qoonta xaddidnaata amma yaraanta shaqaale tababaran oon haysan kaabayaal ku filan waxa ay caqabad ku noqon kara habsami u socodka howlaha cadaaladda.
4. Arrimaha Dhaqanka iyo Bulshada: Arrimaha dhaqanka iyo bulshada waxay saameyn ku yeelan karaan aragtida iyo aqbalaadda siyaasadaha caddaaladda. Tusaale ahaan, haddii oday-dhaqameedkunfarageliyaan kiisaska ciqaabta amma habsami u socodka caddaaladda waxa ay caqabad ku noqonaysa sugida adeegyada caddaaladda.
Gunfii iyo gunnaanadkii, waxa aan qayntan kaga gudbayaa, qorshe iyo siyaasadda caddaaladda heer qaranka ayaa door muhiim ah ka ciyaara horumarinta caddaaladda bulshada, hubinta amniga dadweynaha, iyo kobcinta horumar waara. Marka la xalliyo caqabadah, lana hirgeliyo istaraatiijiyado wax ku ool leh; dawladuhu waxay dhisi karaan nidaamyo caddaaladeed oo xooggan oo loo siman yahay oo ay ka faaโiidaystaan dhammaan muwaadiniinta. Haddii ay istaraatijad u dejistaan, fulinteedana ka dhabeeyaan. Mudane Madaxweyne, marti baan uga nahay xukuumaddada arrimahaas. @highlight
Qore:Ibrahim Khadar
Bandhige@gmail.com