Madaxwyne Talo! Qaybta 4aad… W/Q: ( Ibrahim Khadar)

4️⃣Siyaasadda Dhiirigelinta iyo Hal-abuurka Da’yarta (Youth Incentive and Innovation Policy)

Mudane Madaxweyne, waxa aad la socotaa in bulshada Somaliland ugu yaraan 70% ay yihiin dhallinyaro amma xoogga cid kasta raadinayso oo ah da’da u dhaxaysa 15-35 jirka, waa xoogga wax dhisa, waxna burburiya, balse taas waxa ay ku xidhan tahay sida qorshe loogu dejiyo.

Waxa hubaal ah in ay tahay meelaha aad aynu u dayacnay qaran ahaan, waxa aad moodaa in aan qarankan ka fikirin ilmaha mustaqbalka inaga dhaxlaaya dalka. Ka bilaw waxbarashadeennu uma qaabaysna mid soo saaraysa ubadka aynu rabno, iska daa in aynu u yagleelno siyaasaddo u gaar ah dhiirigelinta hal-abuurka da’ yarta.

Somaliland waxa ay aqoonsatay kartida dhayalkeedu, jinsiyaday hindiseyaal kala duwan oo lagu dhiirigelinayay hal-abuurka iyo hal-abuurka. Waxaa laga yaabaa, iyagoo si rasmi ah cinwaan uga dhigay “Siyaasadda Dhiirigelinta dhalinyarada iyo Hal-abuurka,” dhowr hay’adood oo dowli ah, NGO-yo, iyo hay’ado caalami ah ayaa si toos ah u bilaabay inay ku biiraan shaxda.

Waxa jira sanduuqyo iyo mashaariic xoogga ah oo uu ugu horreeyo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada (SYLDF), balse aan ku filnay, wax badana ka khaldan yihiin hannaanka qorshayntiisa iyo sida loogu asteeyo lacagta sanduuqa lagu shubaayo. Wasaaraddo badan iyo hay’addo kale oo dawli ah oo waajibkoodu yahay arrintan wax ka qabashadeedana wax ay qabteen way jiraan, balse waxa aad moodaa in qaran ahaan laga wada siman yahay dayaca iyo ka fikir la’aanta dalkan, taasina ay keento tahriib iyo niyad-jab ubadka ku dhaca.

Mudane Madaxweyne ka fikir la’aanta ubadka waxa ay ka muuqataa Dastuurka Qarankeena, sababtoo ah laga bilaabo qodobka 21-36 waxa uu ka hadlaa xuquuqaha aasaasiga muwaadinka, balse hal qodob oo u gaar ah xuquuqda carruurta kuma jiro, sidaa darteed sidee ayaa loo doonayaa in loo qaabeeyo jiilka aynu la rabno in qarankan inaga dhaxlaan?

Cafwan dood baan kula geli gaadhay, balse waxa aan kugula tallin lahaa in ay sooyaalkaaga siyaasi eed kaga tegi karto dalkan uu yahay in aad siyaasad dhiirigelinaysa hal-abuurka ubadkeena iyo da’ yarteena oo noqon jarta:

🌦️Horumarinta Siyaasadda Dhiirigelinta Hal-abuurka Dhallinyarada

Si kor loogu qaado siyaasadda dhiirigelinta iyo hal-abuurka dhalinyarada Somaliland, dhawr meelood oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saari karaa:

➡️In kaabe iyo maalgelin dheerad ah loo qoondeeyo In la hay’adag dawladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada iyo hal-abuurka, waxa ay keenaysa in la abuuro qorsheyaal iyo barnaamijyo maangal ay tahay in lagu horumariyo dhallinyarada.

➡️Iskudubarid: In la sameeyo wakaalad dawladeed oo u go’an ama koox hawleed si ay u habeeyaan dadaallada iyo hubinta isku xirka wax ku oolka ah ee ka dhexeeya wasaaradaha iyo waaxaha kala duwan.

➡️Kordhinta Taageerada Dhaqaale:In hawlaha da’ yarta loo qoondeeyo miisaaniyad u gaar ah oo muhiim u ah La hindisayaasha diiradda saaraya dhallinyarada.

➡️Ilaha Maalgelinta ee Kala Duwan: Sahaminta habab kale oo maalgelineed, sida in la abuuro hannaan lagu dhiirigelinaayo wax-wada lahaanshaha amma shurkaada, maalgashi samayn iyo maal-gelin ba.

➡️Hay’adaha Maalgelinta Xadidan: Kor-u-qaadista horumarinta hay’adaha maaliyadda xadidan si ay u bixiyaan amaah iyo deyn la awoodi karo oo dhamminyarada hal-abuur ganacsi ugu yagleelaan, taasoo qayb laxaad leh ka qaadan karta yaraynta shaqo la’aanta.

➡️Dhiirigelin cashuureed oo loo sameeyo da’yarta doonaysa in ay hindisaan ganacsi amma fikrad ganacsi-waa in cashuur dhimis loo sameeyaa dhaklinyarada ganacsiga bilaabaysa amma fikrad bilaw ah la yimaada.

➡️Kobcinta fikradaha iyo hal-abuurada: waxa waajib dastuuri ah in dawladdu dhiirigeliso wax-soo-saarka, maalgashiga iyo dhaklinyarada. Waa in la abuuraa barnaamijyo tartan oo si caddaalad ah loo dhex dhegl da’a yarta, iyadoo lala kashanaayo daneeyayaasha caalamiga ah ee Sonaliland si loo helo fikrado horumarka dalka qayb ka noqda

➡️Abuurida xarumo dawli ah amma barnaamijuo la-talin iyo tababaro, kaasoo da’yarta siinaysa da’ yarta soo qallin-jebisa xirfado suuqa wax ka taraya.

➡️Xoojinta goibaha Farsamada Gacantalagu barto amma sanaynta nidaamyo isku xidha tiknoolajiyadda, wax-soo-saarka maxakiga ah iyo tacliinta si loo helo da’ yar horumar gaadhsiisa dalka oo looga baxo waxbarashada eray-dhigaalka iyo dhihista ku salaysan oo loogu wareego waxbarasho waxqabad iyo maxsuul wax-soo-saar laga dhaafo.

➡️Hirgelinta manhaj waxbarasho oo ku salaysan soo saarista jiil hal-abuur iyo karti leh oo hormood ugu noqda faca ka dambeeya in ay halkaas ka dii wadaan.Sababtoo ah manhajkeena wax-barasho maaha mis u qaabaysan soo saarista jiil ina anfaca oo wax-soo-saar hibeed leh.

Mudane Madaxweyne, hirgelinta faraamooyinkaas waxa ay ahuuri karaan in la helo dhallinyaro niyad-san oo horumar keena, sababtoo ah haddii dhallinyaradu gaadho koboc dhaqaale, waxa aynu helaynaa mustaqbal barwaaqo hilaad iyo higsi u tahay, laakiin haddii aan dhallinyarada maan-koboc lagu samayn waxa imaanaysa tamar-koboc oo fawdo iyo qalalaase lagama baxaayo.

Dhallinyarada waxa ku kaydsan tamar haddii aan ka shaqaysiinta maskaxda la barin, laguna dhiirigelin waxa ay u adeegsanayaan burburinta bulshadooda.

Mudane Madaxweyne, waxa aan qaybtan kaga tegayaa hal-ku-dhigii caanka ahaa ee uu lahaa filosoforkii reer Giroig ee Diogenes oo caan; “Seeska Qaran kasta waa waxbarashada dhallintooda.”

Filosofarkan waxa aasaasay nadariyad dabeecadaha nolosha lagu maqiyaaso oo taban “negativ,” falsafadaas oo la yidhaa “Cynicism” nuxurkeedu waxa uu ahaa “Rajo la’aanta dadku waxa ay dhiirigelisaa amma carisaa damaacunimo, aduun jacayl, hadafyo amma aragtiyo khatar badan.” La soco….@highlight

 

 

Qore:Ibraahim khadar

Bandhige@gmail.com