Madaxweyne Talo! Qaybta 3aad…W/Q:(Ibrahim khadar)

3. Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda

Mudane Madaxweyne, waxa hubaal ah in 33 sanno ee Somaliland ku tanaadaysay dib ula soo noqoshada madaxbannaanideeda oon ilaa hadda aqoonsi rasmi ah ka helin caalamka, ay shaqaalaha dawladda, ciidamada kala duwan iyo hawlwadeennada garsoorku ba la kacaa kufaayeen caqabadaha kala duwan ee dalku soo maray.

Waxa iyaduna markhaati ma doon ah in horumar iyo kobcin badan ay xukuumadihii kala dambeeyey ku sameeyeen shaqaalahaas kala duwan oo mid ba meel soo gaadhsiisay. Waqtiyada qaar waxa dhici jirtay in wax ka badan saddex bilood mushaharka la sugu jiray, bal ka waran shaqaaalaha aan caasimada joogin ee hobollada jooga?

Waxa dib-u-habayntii u ballaadhnay ee shaqaalaha dawladda hirgelinteesa la bilaabay sannadkii 2020-kii oo marka Baanka Adduunku inaga caawinaayey. Wejiyadii kala duwanaa we mashruucaas waxa abaarta lagu saaray in wax laga qabto

➡️a Xoojinta Guddida Shaqaalaha Dawladda oo door muhiim ah ku leh dejinta siyaasadda guud ee shaqaalaha dawliga lagu maamulaayo iyo guud ahaan shuruuc da ba.

➡️Casriyeynta Hannaanka Maamulida Cududa Shaqaalaha (Human Resource Management): waxa si gaar ah awoodda loo saaray in nidaamka casriga ah ee diiwaangelinta bu’da isha (Biometric Registration) laga diiwaangeliyo shaqaalaha dawladda.

➡️Dib-u-habaynta shuruucda, siyaasadaha iyo hagayaasha lagu maamulayo shaqaalaha: Waxa dib-u-habayn lagu sameeyey xeerka shaqaalaha dawladda, waxa guud ahaan la diyaariyey siyaasadaha iyo hageya shaqaalaha dawladda gaar u ah, inkastoo aan qaar badan wali hirgelin sida siyaasadda cayniska cafimaadka shaqaalaha, hawlgabka iwm.

➡️Kobcinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka: waxa la dejiyey hannaan isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta, balse u baahan dib u eegis farsamo sida looga midho dhalinaayo.

➡️ Kobcinta aqoonta: Mac-hadka Shaqaalaga dawladdu waxa uu qayb laxaad leh ka qaatay koboca aqoonees ee shaqaalaha, waxa cajiib ah in shaqaale khibrad iyo aqoon-sare leh leh oo ilaa Master amma PhD gaadhsiisan ay ka hawlgalaan xarumaha dawladda.

Mudane Madaxweyne, waxa jira caqabado badan oo keena in adeegga shacabku u baahnaayeen aanay ka helin shaqaalaha dawladda, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwo aqooneed, dhawaale, kaabe iem, balse ay ugu mudan tahay mid dhaqaale oon si gaara u dul istaagi doono:

🖌️Caqabado Maaliyadeed: shaqaalaha dawladdu inkastoo mushaharkoodu kordhay, balse shaqaalaha aqoonta iyo waayo-aragnimada leh dhiirigelin uma arkaan mushaharka ay qataan. Tusaale ahaan mushaharka qofka A-da ah haddii uu qaato $100 (boqol dollar) isagoo helaya $1000 (kun dollar) ugu yaraan in khibradiisa iyo aqoontiisu u jarto ugu yaraan ma u malaynaynaa in ay ku sugnaanayaan? Haddii ay jiraana waxa ay raadinayaan fursad iyo meel ay uga baxaan?

Balse, haddii ay helaan kaabis oo laga kafaalo qaato waxbarashada, caafimaadka, laydhka iyo wali ba degsiimada haddii la awoodo oo qorshe loo dejiyo waxa la heli karaa shaqaale ku qanacsan adeegga ay shacabka u hayaan.

waa hubaal in korodhka shaqaaluhu qabad noqonaayo. Tusaale ahaan 2015-2020 korodh xisaabeedka shaqaalaha dawliga ah waxa uu ahaa 12027-14217 shaqaale ah, farqiga korodh ee shaqaale ah shanta sanno waa 2,190 (Laba kun iyo boqol iyo sagaashan) shaqaale ah oo korodh miisaaniyadeed wata, balse waxa ay la xaalad yihiin korodhka dhaqaale ee dal ka. Wali ba ay barbar socoto iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee saxiibada Somalilans inaga caawiyaan.

Mudane Madaxweyne, inkastoo dib-u-habaynta shaqaalaha dawladdu tahau hawl socota, haddana si loo helo shaqaale ku qanacsan hawsha qaran iyo masuuliyadda ay bulshada u hayaan, u fududaato la tacaalida musuqmaasuqa caqabada u weyn waa mushahar yaraan.

Shaqaalaha Garsoorku waa halka u daran. Tusaale ahaan haddii ninka Garsooraha ah qaato $500 (Shan boqol oo dollar), kana garnaqaayo dacwad dhuleed hal-milyan ah, ka waran haddii dhinac ka mid ah $100 kun oo dollar u soo bandhigo? Saw mushaharkii uu 15 sanno qaadan lahaa xaasil maaha.

Waa biyo-kama-dhibcaan in itaal dhaqaale jiro, balse qorshaha ha lagu darsado in mar ba wax laga qabto arrintan oo taabanaysa adeegyadda caddaaladeed iyo guud ahaan hannaanka maamul-wanaag ee dalka.

Qaybaha dambe waxa aynu talo ahaan ugu soo jeedinaynaa madaxweynaheena; Siyaasadda Dhiirigelinta iyo Hal-abuurka Da’yarta, Siyaasadda Hannaanka Caddaaladda, Siyaasadda Dhaqaale, Siyaasadda Difaaca, Siyaasadda Arrimaha Dibadd, Ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda ee dhanka hanaanka dawliga, La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Hoggaaminta Somaliland ku habboon…… La soco——

@highlight

 

Qore:Ibrahim khadar

Bandhige@gmail.com