Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa manta kulan la qaatay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka..

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa manta kulan la qaatay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qarank waxaynka ka wada wada hadleen dhamaystirka qorshaha u degsanaa Wasaaradda sanadka 2024 wixii qabsoomay iyo sidii lo dhamaystiri laha .

Qodobada la go’aamiyay kulankan ee u baahan dhamaystirka waxaa ugu muhiimsanaa:-

1.Soo saarista hagaha lagu maamulayo Sanduuqa Horumarinta Qaranka (National Development) oo kulan golaha wasiiraddu yeesheen badhtamihii sanadkan oo uu gudoominayay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, mudane MUUSE BIIXI CABDI lagu go’aamiyay in sanad walba 20% miisaaniyada qaranka ka mid ah loo qoondeeyo maalgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Sanduuqan oo lala mataanayn doono Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund), ee SDF, waxaa maamuli doona Gudiga Qorshaha Qaranka (National Planning Commission) ee golaha wasiiradda oo uu xoghayn u yahay xafiiska isku-duwida Mashaariicda ee Wasaarada Qorshaynta.

2.Dhamaystirka xeerarka dib-u-eegista lagu sameeyay si madaxda cusub ee wasaarada loo soo magacaabaa ay ugu gudbiyaan golaha wasiiradda ee bedeli doona golaha wasiiradda ee hadda xilka haya sida,

2.1.Xeerka Xogkoobida Qaranka (National Statistical Act)

2.2.Xeerka Qorshaynta Qaranka (National Planning Act)

2.3.Xeerka Danta Guud (Public Benefit Act), oo hore loo odhan jiray Xeerka Ururada Aan Dawliga Ahayn (Somaliland NGO Act)

3.Dhamaystirka xogaha xilwareejinta wasaarada

Dhinaca kalena, madaxda wasaaraddu waxay la kulmeen madaxda sare ee hayada UNFPA ee xafiisyada Geeska Afrika oo ay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo abuurista xog ku haboon go’aan qaadashada xukuumada iyo ganacsatada Somaliland

 

 

Xigasho:Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta

Bandhige@gmail.com