Wadaaddada Kiristanku ardaydeena wax ma bari karaan? (WQ: Maxamed Daahir)

Marwo Joy Isa mise Pastor Joy Isa? labada magac ma isku kaan baa, mise waa kala kaan?

Dhowaan waxa qalin jebiyay hormadii koobaad ee jaamacadda #Barwaaqo. Waxa saxaafadda ka soo muuqday maamuladda jaamacadda oo magaceeda lagu qoray Marwo #Joy_Isa, sida lagu baahiyay TV ga qaranka boggiisa Facebook ga. Lingaxan ka daawo hadalka TV ga qaranka ee Marwo Joy Isa.

https://www.facebook.com/watch/?ref=search&v=309069324240886&external_log_id=0f4150b6-c31f-487a-876e-5d26841434d6&q=pastor%20joy%20isa

Sida Coldoon iyo dad kale qoreen Joy Isa waa wadaadad diinta kiristanka faafisa oo u dhalatay dalka Nigeria, magaceedana waxa horgale u ah ‘Pastor”. Aniga laftaydu waxa aan internetka ka baadhay magacan #Pastor_Joy_Isa. Waxa igu soo noqnoqday, qof dumar ah, ka shqaysa arimaha waxbarashada iyo diinta kiristanka labadaba.

Ereyga #Pastor markii aan qaamuuska Ingiriisiga ka eegay sidan ayaa ii soo baxday “a minister in charge of a Christian church or congregation” oo macnaheeda soomaaliga ahina ugu dhawaan noqonayo “ Masuul kiniiasad ama bulsho kiristaan”. Si kooban haddii loo yidhaana waa wadaad kiristan ah.

#Joy Isa: Gudoomiyaha jaamacadda Barwaaqo iyo #Pastor_Joy_Isa ma isku midbaa mise waa kala laba oo magacooda uunbaa isu egaaday?

Mareegta bulsho ee #LinkedIn la yidhaa waxa ku jira ciwaan qof dumar ah oo magaceedu yahay #Joy_Isa xilkeeduna ku qoranyahay “President at Barwaaqo university

https://ng.linkedin.com/in/joy-isa-2b4a0839. Boggaa waxa ku qoran xilalka kala duwan ee ay soo qabatay. Waxaana ka mid ah maamulaha dugsiga ‘Children’s International School, Lagos’.  Sidoo kale mareeg la yidhaa Lagos Mums sida lagu qoray , shir online ah oo ay qabatay waxa marti ku ahaa dad kala duwan oo ay ku jirtay Pastor Joy Isa oo ka socota ‘ Children’s International School, Lagos’. Labada ciwaan, iyo sawiradoo isu eegiba waxay sheegaysaa labada qof inay isku mid yihiin

https://parenting-through-coronavirus-pandemic.heysummit….

Markaa #Pastor_Joy_Isa ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Barwaaqo waa wadaadad kiristan ah oo diinta kiristanka dadka ku wacdida, sida fiidyawyo badan oo youtube ku jira aad ka arki karto.  Mar kale ciwaanka Linkedin ee Joy Isa waxa ku qoran inay qayb ka tahay urur loogu yeedhay “Pistis Leadership & Life Institute”.

Nin ay Baahin Zoom ah ku wada jiraan gabadhan oo la yidhaa: Godman Akinlabi; ayaa waxa uu qoray ciwaan sidan u dhigan “Redefining the Church’s Responsibilities in Nation Building” oo soomaali ahaana noqonaysaa ‘ dib u qaabaynta masuuliyadda kiniisadda ee bulsdhada’

Qoraalkaas oo uu kaga warbixinayo ayuu ku daray abuurista machadkaas uu magaciisu yahay. “Pistis Life and Leadership Institute (PLLI)”.

Sidaas dartee waxa halkaa kamuuqda xidhiidh ka dhexeeya machadada #Pistis oo Joy qayb ka tahay iyo kiniisadda.

https://www.youtube.com/watch?v=esftQLCuL4w ( Video Zoom ah oo ay ku wada jiraan Godman Akinlabi iyo Joy Isa

(maqaalka uu qoray #Godman_Akinlabi)

https://www.thisdaylive.com/…/godman-akinlabi…/

Isugayn qodobadani waxa ay bixinayaa raad isku xidhaya fidinta diinta kiristanka iyo #Joy_Isa.  Haddaba inta aynaan caadiyaynta iyo cambaaraynta arrinkan ka hadal, marka hore waa in aynu isla qaadanaa labadan qodob midkood.

– Ma waxaynu ku adkaysanaa sida hadalka madaxwaynahaba laga fahmi karo dadkeenu waa dad diinta ku adag, markaa yaynaan fulay noqon oo diinteena loo biqin, Oo waxaynu nidhaa wadaad kiristaan ama yuhuudi, ama waranlahooda kuu doono ha noqdee haddaanu cashar diintooda ah oo toosa dhigayn wixii kale waynu ka dhigan karnaa

– Mise waxaynu qaadanaa inaynu shaandho reeb u samayno cidda ajaanibka ah ee ardaydeena wax u dhigi karta, iyo waxa ay dhigi karto.

Labadaa marka aynu isla garano ayaynu u gudbaynaa inaynu hawsha maamulaha cambaarayno, ama caadi u aragno .

Arintanina waxa ay taalaa culimada, xukuumad iyo xeerdejinba iyo shacabba guud ahaanba

Allaa Mahad leh

Waxa qoray: Maxamed Daahir