Wadaadnimadu ma diin baa? Q.2aad (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Digaale: Waa sax oo waan oggolahay in wadaadnimadu tahay dhaqandiineed in la yeesho oo sidaa ay ku noqon karto wax wanaagsan.

Daahir: Ninyahow horta muran badnide ma Indha caddeys university ayaad ka soo baxday?
Ma in dhaqan diineed la yeesho, sida in runta la sheego, xalaasha la cuno, la tukado, oo la soomo, oo dulmiga la iska daayo, oo sinada laga dhawrsado, oo heesaha fusuqa ah laga fogaado, ma in dhaqankaasi wax wanaagsan yahay ayaad hubtaa oo aaminsantahay, mise waxa aad taagantahay waa wax noqon kara wax wanaagsan?.

Digaale: Taasi waa jaamacad dadbadani ku waasheen, aniguse weli fursad uma helin.

Waxa aan hubaa in yeelashada dhaqanka diintu wax wanaagsan yahay.
Daahir: Waa Alle mahaddii mar haddaanad wei waalida fursad u helin.
Haddaba ogow in wadaaddowgu amar diineed yahay, waa yeelasho dhaqan diineed, sidaa awgeed waa wax wanaagsan, waa sifo qiima badan, qofka wadaadka ahina waxa uu dheeryahay dadka kale ee aan wadaaddada ahayn sifada wadaadnimada/sifada dhaqan wanaagga diinta.

Digaale: Weger, maxaad tidhi, wadaad noqo?

Daahir: Miyaad is yeelyeelaysaa mise waa kaa dhab? Dee wixii aad qirtay, wadaadnimadu waa yeelashada dhaqan diineed sow ma aha?, qof kasta oo dhaqan diineed lehi markaa waa wadaad.
Digaale: Haye, dabadeedna.

Daahir: Dabadeedna ku lahaa, dabadeed way faydaa.kkkkkk. sidaa awgeed wadaadnimadu maadaama oo ay tahay ku dhaqanka diinta, qofka kasta oo dhaqan-diimeed lihi wuu ka wanaagsan yahay qofka aan dhaqanka diineed lahayn ee aan wadaadka ahayn, Ilaahay agtiisana wuu ka camal fiican yahay, dadka agtoodana wuu ku sharfan yahay.

Digaale: Horta dooddaadu waa mandiq, waana gar, laakiin ma liqi karayo, waayo wadaaddadu way khaldamaan.

Daahir: hhhh, wadaaddadu in ay khaldamaan, gefina karaan ma cid baa diiddan, yaa yidhi waa macsuumiin denbi ka dhawrsan?

Mid baase had iyo goor la isku khaldaa si fiirsasho laโ€™aan ah ama badheedhba dadka qaarkood ka ah, waa in gefka wadaadka ka dhaca, wadaadnimada loo celiyo oo sabab looga dhigo.

Aynnu ogsoonaanno, oo ha inoo kala soocnaadaan in aynnu shakhsi wadaad ah shakhsiyaddiisa durro oo wax ka sheegno iyo in aynnu wadaadnimo ku durraa in ay laba kala duwan yihiin.
Qofka oo lagu duro in uu wadaad yahay, waxa ay ka dhigan tahay in lagu ceebaynayo in uu Islaamnimo haysto, aqoonteedii iyo dhaqankeediina leeyahay.

Waxa kale oo kala labo ah wadaadnimada iyo culimonnimada, culimadu waa darajo diimeed oo sarreysa, waxa lagu gaadhi karaa waa aqoon diineed oo keliya, waa dhaxlayaashii Nebi Muxammed scw.

Digaale: Hadda ayaad heshay wixii aan tebayey, hubaashii, wadaadku isagaa wadaadnimadii meel kaga dhacay, isagaa dhaqankii diinta baal maray.

Daahir: Haa, isagaa u baahan in wadaadnimadii lagu soo celiyo si aanu wadaadnimada uga wada bixin oo aanu adiga oo kale u noqonnin.
Digaale: Adiga oo kale aa? Oo anigu maxaan ahay, waar anigu diinta waanku dhaqmaa, oo wadaa—.
Daahir: Dhammaystir dee kelmadda wadaad baan ahay si fiican u dheh.

Digaale: Anaga afka ha noo gelinnin taase, waxa aan kuu sheegayaa in aan anigu diinta ku dhaqmo.

Waad baahin kartaa, waad share gareyn kartaa, waanad qaadan kartaa.

La soco qaybta 3aadโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.

Buuggayga “Halbeeg” cutub ka mid ah oo ka kooban ilaa 26 bog ayaan kaga hadlay: wadaaddada Soomaalida, Culimada iyo Diinta, faham ahaan, masuuliyad ahaan, taariikh ahaan iwm, fadlan ku laabo haddii aad awooddo.

Dr-Abdulqani Hussein Beder